Kuuriyada Waqooyi Oo Tiijaabisay Gantaallo Aanan Horey Looga Baran
sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.
Kuuriyada Waqooyi waxay gantaalladan kasoo gantay deegaanka Wonsan, waxaa uu ku dhacay dhinaca bari ee badda.
Militariga Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay jareen masaafo dhan 250 Kiiloomitar ka hor inta aysan ku dhicin badda Japan.
Wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Jeong Kyeong-doo waxaa uu sheegay in gantaalladan ay ka duwan yihiin kuwii ay horey u tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.
Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa xaqiijiyay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi aysan wax saameyn ah ku yeelan amniga dalkiisa.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli Kuuriyada Waqooyi ay toddobaadkii lasoo dhaafay tijaabisay madaafic.


0 





