Shaqo Joojin Uu Ku Sameeyey Masuul Kale Oo Keentay Xil Ka Qaadistii Agaasimihii Fulinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka.

0
Tuesday July 30, 2019 - 22:24:12 in News by
  • Visits: 6688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo Joojin Uu Ku Sameeyey Masuul Kale Oo Keentay Xil Ka Qaadistii Agaasimihii Fulinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka.

    Shaqo Joojin Uu Ku Sameeyey Masuul Kale Oo Keentay Xil Ka Qaadistii Agaasimihii Fulinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqo Joojin Uu Ku Sameeyey Masuul Kale Oo Keentay Xil Ka Qaadistii Agaasimihii Fulinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac.


Xil ka qaadista agaasimihii fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac ayaa timid ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay xubno ka mid ah komishanka, kuwaas oo ay iskaga horyimaadeen nidaamka shaqo ee ay u fulinayaan hawlaha madaxweynuhu u igmaday.




Agaasime Naasir Ayjeex ayuu khilaaf soo kala dhexgalay agaasimihii waaxda daawaynta iyo daryeelka Maxamed Abiib Yuusuf iyo agaasimihii waaxda Wacyigelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin.


Khilaafkaasi ayaa keenay in agaasimaha fulinta Naasir Ayjeex Jaamac uu dacwad gaadhsiiyo madaxtooyada, iyada oo agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile uu dhexgalay xubnaha uu khilaafku u dhaxeeyey taas oo labada agaasime waaxeed lagu qanciyey inay u hogaansamaan agaasimaha fulinta.


Dhinaca kale sida ku cad warqad ay Hadhwanaagnews heshay horaantii bishii 6aad ayuu agaasimihii fulinta ee komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac waxa uu shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii waaxda wacyigelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin ka dib markii uu ku eedeeyey inuu ka soo bixi waayey shaqadiisii, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi si toos ah u gaadhsiiyey warqada uu shaqada kaga joojiyey.


Warqada Shaqo Joojinta Ah Ee Hadhwanaagnews Heshay




Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu dambayn go’aansaday inuu xaliyo khilaafka ka dhextaagan xubnaha komishanka xakamaynta Aids-ka, waxaanu xil ka qaadis ugu jawaabay agaasimihii fulinta ee labada jeer dacwada iyo shaqo joojinta soo gaadhsiiyey iyo agaasimihii waaxda dawaynta iyo daryeelka, halka aanu wax talaabo ah ka qaadin agaasimihii waaxda wacyigelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin oo xudun u ahaa khilaafka isla markaana ay madaxweynaha isku deegaan yihiin.


Si kastaba ha ahaatee qaabka uu madaxweyne Muuse Biixi u xaliyey khilaafkii xubnaha komishanka xakamaynta Aids-ka ayaa u muuqda mid garsiinaya xubno laga tirsanayey hagardaamo kuwaas oo ka sii tirsanaan doona xukuumadiisa.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...