Sanae Takaichi: Haweeneyddii ugu Horraysay ee la Saadaalinayo in ay Hoggaamiso Dalka Japan
Haweeneyda 64 jirka ah ee Sanae Takaichi ayaa loo doortay hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Xorta ah ee haya talada Japan (LDP), iyadoo doorashadeedu ku beegan tahay sannad-guuradii 70-aad ee aasaaska xisbigaas. Guushan waxay u furaysaa waddada ay ku noqon karto ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee Japan.
Sanae Takaichi waa siyaasi khibrad leh, wasiir hore oo dowladeed, iyo barnaamij sameeye telefishin, waxaana horey loogu yaqaanay in ay qayb ka ahayd koox muusig culus ah (heavy metal) oo ay durbaan-tumeyaal ka ahayd.
Hadda waxay wajahaysaa caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale, iyadoo hogaaminaysa xisbi la daalaa dhacaya sidii uu kalsoonida shacabka u soo celin lahaa kadib fadeexado iyo khilaafaad dhinaca midigta-fog ah, halka dalka Japan uu la tacaalayo hoos u dhaca dhalashada iyo xiisado siyaasadeed oo caalami ah.
Takaichi waxay ku dhalatay gobolka Nara sannadkii 1961, aabbaheed wuxuu ahaa shaqaale xafiis, halka hooyadeedna ay ahayd booliis. Nolosheeda hore siyaasadda laguma aqoon, balse waxay caan ku ahayd xiisaha muusigga, gaar ahaan durbaan-tumidda xooggan oo ay sababta darteed ulaha jebin jirtay.
Ka hor inta ayna siyaasadda gelin, waxay si kooban uga shaqeysay barnaamijyo telefishin, waxayna jeceshahay quusidda badda iyo baabuurta xawaaraha leh, gaar ahaan Toyota Supra-keedii oo hadda lagu soo bandhigay matxafka Nara.
Xiisaha siyaasadeed ee Takaichi wuxuu bilaabmay 1980-meeyadii, markii uu xumaaday xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyay Japan iyo Mareykanka. Si ay u fahamto aragtida Mareykanka ee Japan, waxay muddo ku shaqeysay xafiiska Patricia Schroeder, oo ahayd xildhibaanad Mareykan ah oo dhaliilsan siyaasadda Japan.
Takaichi waxay doorashadeedii ugu horreysay ee baarlamaanka ku tartantay 1992, balse wey ku guuldareysatay. Sannadkii xigay ayay ku guuleysatay kursi, waxayna ay ku biirtay xisbiga LDP sannadkii 1996, tan iyo markaasna waxay noqotay xildhibaan 10 jeer, halkamar keliya laga adkaaday.
Waxay soo qabatay xilal dowladeed oo muhiim ah, sida wasiirka dhaqaalaha, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo isgaadhsiinta oo ay muddo dheer ay ahayd.
Sanadkii 2021 ayay markii ugu horreysay u tartantay hoggaanka LDP, balse waxaa ka guuleystay Fumio Kishida. Markii labaad ee ay isku dayday 2024, wareegga koowaad ayay hoggaamisay balse ugu dambeyntii waxaa ka adkaaday Shigeru Ishiba. Sanadkan, isku daygeedii saddexaad, ayay ugu dambeyn guuleysatay, taas oo ka dhigaysa haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Ra’iisul Wasaare Japan marka baarlamaanku ansixiyo magacaabideeda.
Intii ay ololaha ku jirtay, Takaichi waxay carruur iskuul ah u sheegtay: "Hadafkaygu waa inaan noqdo Haweeneyda Birta ah.”
Siyaasaddeeda, Takaichi waa muxaafid adag, waxayna muddo dheer kasoo horjeedday in haweenka guursaday ay sii haystaan magacooda hooyo iyo guurka dadka isku jinsiga ah. Si kastaba ha ahaatee, ololaheeda ugu dambeeyay waxay muujisay fikir dabacsan, iyadoo ballanqaadday in canshuurta laga dhimi doono adeegyada daryeelka carruurta iyo in la dhiirrigeliyo shirkadaha bixiya adeegyadaas.
Khibraddeeda shaqsiyadeed ayaa la sheegay inay qayb weyn ka tahay qorshayaasheeda siyaasadeed waxay rabtaa in la ballaadhiyo adeegyada caafimaadka haweenka, in la taageero shaqaalaha qoysaska daryeela, iyo in la hagaajiyo nidaamka daryeelka dadka waayeelka ah.
"Anigu nolosheyda saddex jeer ayaan noqday kalkaaliso iyo daryeel bixiye,” ayay tidhi.
Xisbiga LDP oo la aas aasay 1955, muddo dheer ayuu xukumayay Japan, balse sanadihii dambe wuxuu lumiyay taageero badan sababo la xidhiidha dhaqaale gaabis ah, hoos u dhaca tirada dadka, iyo niyad-jabka bulshada.
Doorashada Takaichi waxaa loo arkaa fursad uu xisbigu ku soo ceshan karo taageerada dhinaca midig, kadib markii cod-bixiyeyaal badan ay u guureen xisbiga Sanseito ee hal-ku-dheggiisu yahay "Japan Marka Hore.”
Takaichi ayaa qiratay in xisbigu wajahayo dhaleeceyn adag, waxayna sheegtay: "LDP waa inay isbeddeshaa si ay u ilaaliso danta Japan ee maanta iyo mustaqbalka. Danaha qaranku waa mudnaanta koowaad.”ayey hadlkeeda sii raacisay
Waxaa la filayaa in hoggaamiyaddan cusub ay calaamad u noqoto waqti cusub oo siyaasadeed oo ka dhasha Japan, gaar ahaan marka haweeney ugu horraysa ay hoggaamiso dowlad dalkaas taariikh dheer ku leh rag hoggaamiyaal ah.