Umaddaha Aduunka waa Saddex Aeybood.

0
Thursday October 02, 2025 - 12:31:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Umaddaha Aduunka waa Saddex Aeybood.

    3- Umadaha Wax Burburiya;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

3- Umadaha Wax Burburiya;



Umadaha aduunka waxay kala yihiin saddex door ayay kala leeyihiin., kuwa abuura, kuwa ilaaliya, iyo kuwa burburiya.

Aan mid mid uga faaloodo:


1- Umadaha Wax Abuura:

Kuwani waa umadaha maskaxdooda, aqoontooda, iyo kartidooda ku sameeya hal-abuurnimo.
Waxay abuuraan fikiro, aqoon, iyo farsamo horseeda horumar iyo isbeddel.

Umadaha wax abuura waa kuwa dhisa mustaqbal cusub hal-abuurnimo iyo halgan joogto ah.

Falsafad: Wax abuurnimadu waa natiijo ka dhalata rabitaan lagu bedelo caalamka. Waxay muujinaysaa in bini’aadamka aan ku koobnayn inuu ku noolaado sidii uu u noolaan jiray kuwii ka horeeyay,,
balse uu leeyahay awood uu ku abuuro nolol ka wanaagsan.
2- Umadaha Wax Ilaaliya:

Kuwani waa kuwa ilaalinaya dhaqanka, diinta, hiddaha, iyo qiyamka bulshada.

Waxay xafidaan waxa hore loo dhisay si aanay u lumin. Iyaga waxaa ku jira xoogga ilaalinta midnimada iyo jiritaanka, inkasta oo mararka qaar ay ku yaraadaan hal-abuurnimada.

Falsafad: Ilaalintu waa muhiim sababtoo ah
waxa maanta aan haysano waa dhaxal soo maray dadaal iyo xanuun badan.

Ummad aan ilaalin wixii hore loo dhisay waa sida geed xidid la’aan ah oo dabayshu ridi karto.

3- Umadaha Wax Burburiya;

Kuwani waa umadaha si ula kac ah ama garaad xumo ah ama si la iska daba dhaco u dumiyey wixii la dhisay.

Waxa ka muuqda colaad, nacayb, iyo khilaaf joogto ah. Halkii ay ka dhisi lahaayeen ama ka ilaalin lahaayeen, waxay noqdaan gacan burburisa oo osku dabameeraysata..

Falsafad: Burburintu inta badan waa ka fudud tahay dhisisa.

Umad wax burburisa waxa ay muujinaysaa aqoon la’aan, dulqaad la’aan, iyo indho la’aan mustaqbal.

Burburintu waa ka hor imanaysa dabeecadda nolosha Aadamaha, sababtoo ah
noloshu waxay asal ahaan ku dhisan tahay koboc iyo dhisme iyo horumar.

*Gunaanad ahaan:
Umad walba saddexdan qaybood way ka dhex muuqan karaan, balse inta badan waxaa hogaanka u qabta koox ka mid ah
. Horumarka iyo badbaadada dunida waxay ku jirta in umadaha wax abuura iyo wax ilaaliya ay ka bataan kuwa wax burburiya.



Qalinkii: Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...