Siyaasiyiinta Ka Faa'iideysta Dhibaatada Dadweynaha waa In Laga feejignadaa!

0
Thursday October 02, 2025 - 11:47:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Ka Faa'iideysta Dhibaatada Dadweynaha waa In Laga feejignadaa!

    Runtii, shacabka Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxay muddooyinkii ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtii, shacabka Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxay muddooyinkii ...


Waxaa muuqata in mar kale ay jiraan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo si ku talagal ah u adeegsanaya dhibaatada shacabka si ay u gaaraan ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga shaqeyn lahaa danta guud ee shacabka iyo horumarka dalka. Waxaa nasiib darro ah in dhacdooyinka murugada leh loo adeegsado siyaasad, taas oo dhaawaceysa kalsoonida shacabka iyo amniga qaranka.


Mid kamid ah tusaalooyinka ugu cad cad ayaa ahaa markii laga faa’iideystay geeridii naxdinta lahayd ee gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliyeed (NISA). Halkii laga garab istaagi lahaa qoyska gabadha iyo in baaritaan dhab ah la sameeyo, waxaa dhacday in mucaaradku ay arrinta u rogeen olole siyaasadeed oo culays la saaray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ujeeddadu ma ahayn raadinta caddaaladda ee waxay ahayd helitaanka fursad lagu dhaawaco dowladnimada. Tani ma ahayn wax ay shacabka Soomaaliyeed u baahnaayeen.

Runtii, shacabka Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxay muddooyinkii u dambeeyay gaareen horumar muuqda, bilicda magaalada oo aad u qurxoon, ganacsiyada ayaa sii kobcaya, dhallinyaro badan ayaa helaya fursado shaqo, iskuulo iyo xarumo caafimaad ayaa laga hirgaliyay magaalada. Waxaa laga shaqeeyay dhismaha waddooyin muhiim ah, biyaha la cabbo iyo adeegyada kale ee nolosha asaasiga ah. Waxaa la xaqiijiyay amni ka wanaagsan midkii hore, taas oo keentay in caasimadda ay dib u hesho xasillooni iyo nolol dhaqan iyo ganacsi leh.

Nasiibdaro, dhowaan waxaan aragnay fal laga naxo oo ka dhacay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo koox siyaasiyiin ah oo mucaarad ah ay abaabuleen rabshado horseeday dhimasho, burbur iyo halis gelinta xabsiga. Falkan waxa uu keenay khatar ah in maxaabiis khatar ah ay baxsadaan, taas oo muujineysa in dano gaar ah loo hurayo amniga guud ee dalka.

Waa in aan iska iloobin dhibaatada qabyaaladda iyo danaha gaarka ah ee aan wax u tarayn horumarka dalka. Mucaaradku haddii ay runti dan ka leeyihiin shacabka, waa in ay ku tartamaan waxqabad, horumarin, iyo adeegyo ay u keenaan bulshadooda, halkii ay ku tartami lahaayeen kicinta dareenka dadweynaha iyo burburinta hay’adaha dowliga ah.

Waa in shacabka Soomaaliyeed ay si qoto dheer u gartaan xaqiiqooyinka jira. Nabadda waa tiirka ugu weyn ee horumarka, waxaana lagama maarmaan ah in aan laga tanaasulin. Waxaan u baahan nahay siyaasiyiin lagu qiimeeyo waxqabadkooda sida xarumaha waxbarashada ay dhiseen, ceelasha biyaha ay hirgaliyeen, caafimaadka ay wanaajiyeen, iyo waddooyinka ay dhiseen ee aan lagu qiimeynin beel ahaan ama cod raadin aan micno lahayn.

Mas’uuliyadda siyaasadeed waa in la dardargeliyo. Ma jiro siyaasi mudan in la taageero haddii uusan wax la taaban karo u qaban shacabka, xitaa haddii uu ka soo jeedo beeshaada. Waxaan maanta taaganahay meel aynaan wax ka dooran karin indho la’aan iyo dareen qabiil, haddii kale, Soomaaliya ma horumari doonto weligeed.

Gabagabadii, shacabka Soomaaliyeed waa in ay ka digtoonaadaan siyaasiyiinta isku dayaya in ay ku ciyaaraan dareenkooda. Nabadda aan maanta haysano waa mid aan ku guulaysanay dadaal badan, dhiig badan, iyo sabir farabadan. Waa in aan illaalinaa si aan u dhisno mustaqbal barwaaqo leh oo ubadkeenu ku faani karo.
Soomaaliya waxa ay u baahan tahay siyaasi dhab ah, mid dhisaya dalka ee aan burburin.

Qore: Abdul Ali Waris
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...