Suldaan Kayse Badde Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

0
Tuesday July 30, 2019 - 18:56:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Kayse Badde Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Hargaysa(HWN):-Suldaanka guud ee beelaha Abokor Axmed Suldaan Kayse Badde Cabdulle ayaa Hadhimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Suldaanka guud ee beelaha Abokor Axmed Suldaan Kayse Badde Cabdulle ayaa Hadhimo
sharafeed u sameeyay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.



Suldaanka guud ee beelaha Abokor Axmed Suldaan Kayse Badde Cabdulle ayaa si diiran gurigiisa ugu soo dhaweeyay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaannu sheegay inay Suldaanka muddo dheer ay Saaxiibo dhaw ahaayeen, isla markaanna ay bahda dhaqanka Somaliland muddo dheer ku soo wada jireen.


Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa markii ugu horaysay soo dhaweeyay Suldaanka beelaha Abokor  Axmed ee Arab Suldaan Kayse Badde Cabdulle , waxaannu ILLaahay uga baryay innuu u fuddaydiyo Xilkaas uu qaadday.


Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay innuu si dhaw ula shaqayn doonno, waxaannu ku dardaaray innuu dadkiisa ugu shaqeeyo Sinnaan iyo Caddaalad, isla markaanna aannu kala jeclaysan mid shicibba iyo mid madaxa labaddaba.

 

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...