Suldaan Kayse Badde Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Suldaanka guud ee beelaha Abokor Axmed Suldaan Kayse Badde Cabdulle ayaa si diiran gurigiisa ugu soo dhaweeyay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaannu sheegay inay Suldaanka muddo dheer ay Saaxiibo dhaw ahaayeen, isla markaanna ay bahda dhaqanka Somaliland muddo dheer ku soo wada jireen.
Suldaanka guud ee
Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa markii ugu horaysay soo
dhaweeyay Suldaanka beelaha Abokor Axmed
ee Arab Suldaan Kayse Badde Cabdulle , waxaannu ILLaahay uga baryay innuu u
fuddaydiyo Xilkaas uu qaadday.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay innuu si dhaw ula shaqayn doonno, waxaannu ku dardaaray innuu dadkiisa ugu shaqeeyo Sinnaan iyo Caddaalad, isla markaanna aannu kala jeclaysan mid shicibba iyo mid madaxa labaddaba.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland