Isticmaalka Maandooriha Caruurta Darbi-Jiifka Ah Ee Wadooyinka Kala Duwan Degmada Baydhabo.

0
Wednesday October 01, 2025 - 13:12:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isticmaalka Maandooriha Caruurta Darbi-Jiifka Ah Ee Wadooyinka Kala Duwan Degmada Baydhabo.

    Barnaamijyo wacyigelineed oo bulshada dhexdeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijyo wacyigelineed oo bulshada dhexdeeda



Name: Mr. Abdullatif Mohamed Samow

HORDHAC

Degmada Baydhabo, oo kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Koonfurta Soomaaliya, waxay wajahaysaa caqabado badan oo dhinaca bulshada iyo caafimaadka marka ay timaado xaaladda caruurta darbi-jiifka ah. Isticmaalka maandooriyaha ee caruurta darbi-jiifka ah ee ku nool waddooyinka kala duwan ee degmada Baydhabo tusaale hadaan ka bixiyo ee wadooyinka ugu badan sida 4 irdoodka, Xarajaadka, kuwasoo u wajahaya dhibaato caafimaad iyo bulsho oo sii kordheysa. Caruurta, oo inta badan ka yimid qoysas burburay ama xaalado nololeed oo adag, ayaa ku tiirsan maandooriyayaal sida Garaabada , haashka , Xabagta (Koolo) iyo sigaarka si ay uga hortagaan gaajo, xanuun, iyo walbahaar. Isticmaalka maandooriyaha wuxuu noqday hab ay caruurta ku xalliyaan dhibaatooyinkooda maalinlaha ah, iyadoo ay sidoo kale saameyn ku yeelanayso caafimaadkooda maskaxeed iyo jireed. Qormadan kooban waxaan diirada ku saareyaa sedax arrimood oo muhiim ah;

1.Sababaha ay Caruurtau Isticmaalaan Maandooriyaha

2.Saameynta Caafimaad ee Isticmaalka Maandooriyaha

3.Sidee loo yarayn karaa isticmaalka maandooriyaha

Sababaha ay Caruurta u Isticmaalaan Maandooriyaha

ØSaameynta Asxaabta: Caruurta qaar waxay bilaabaan isticmaalka maandooriyaha si ay ugu biiraan kooxaha darbi-jiifka ah ee kale kuwasoo noloshooda ku mashquuliya oo bara mandooriyaha.

ØDhibaatooyinka Qoyska iyo Bulshada:Caruurtan waxay ka cararayaan xaalado qoys oo adag ama xadgudubyo, taasoo keenta inay ku biiraan kooxaha darbi-jiifka ah ee magaalada.

Ø Dhibaatooyinka Caafimaadka Maskaxda iyo Jirka: Isticmaalka maandooriyahan wuxuu sababi karaa xasuus lumis, dhibaatooyin dareen, iyo isbeddelada maskaxeed ee joogtada ah. Sidoo kale, wuxuu keeni karaa cuduro sida xanuunada sambabada iyo dhibaatooyinka wadnaha.

Saameynta Caafimaad ee Isticmaalka Maandooriyaha

Isticmaalka maandooriyahan wuxuu leeyahay saameyn caafimaad oo daran kuwaas aan meeshan ku xusaya 3 qodob aad ugu badan;

Dhibaatooyinka Bulshada: Caruurta darbi-jiifka ah waxay la kulmaanfaquuq, jirdil, iyo xadgudubyo, taasoo sii xumeysa xaaladooda.

Dhibaatooyinka Jirka: Isticmaalka joogtada ah wuxuu keeni karaa cuduro sida xanuunada sambabada, dhibaatooyinka wadnaha, iyo hoos u dhaca awoodda jirka.

Dhibaatooyinka Maskaxda: Maandooriyayaashu waxay sababi karaan xasuus lumis, dhibaatooyin dareen, iyo isbeddelada maskaxeed ee joogtada ah.

Ø Xaaladaha Colaadeed iyo Dagaallada: Caruurta qaar waxay u isticmaalaan maandooriyaha si ay uga baxsadaan xusuusta xanuunka leh ee colaadaha iyo dagaallada, gaar ahaan kuwaaso ka soo barakacay tuulooyinka ku hareerasan gobolka bay.

Ø Dhibaatooyinka Dhaqaale iyo Fursad La'aanta: Caruurta qaar waxay u isticmaalaan maandooriyaha kuawasoo aysan helin tageero walid wayo waxaa meeesha ka wayeen daryeel la,aan.

Ø Xiriirka Qoyska iyo Bulshada: Dhibaatooyinka qoyska iyo bulshada, sida faquuq, xadgudub, iyo dhibaatooyinka kale, waxay caruurta ku riixaan inay u isticmaalaan maandooriyaha si ay uga baxsadaan xaaladaha adag.

Sidee loo yarayn karaa isticmaalka maandooriyaha

1.Wacyigelin & Waxbarasho

·Barnaamijyo wacyigelineed oo bulshada dhexdeeda (kulan bulsho, idaacadaha, deegaanka) si looga hadlo halista maandooriyaha.

·Ku dar maaddooyin ka hortag ah dugsiyada iyo xarumaha bulshada si carruurta loo baro xirfadaha go’aanka, iska caabinta saameynta saaxiibbada.

·Adeegsiga "street educators” shaqsiyaad gaara oo la socda caruurta waddooyinka, la hadla, u gudbiya farriimo caafimaad sida uu talinayo buugga WHO ee "Working with Street Children”.

2. Taageero Qoys iyo Bulsho

·Dib u xooji xiriirka caruurta la leh qoysaskooda sida la-talin qoys, isku xirka hay’adaha bulshada, barnaamijyo taageero dhaqaale iyo bulsho.

·Abuur fursado bulsho (xarumaha dhalinyarada, ciyaaraha, habab hal-abuur leh) si caruurta looga mashquuliyo, loona yareeyo waqtiyada firaaqada halista ah.

·Kor u qaad nidaamyada taageerada bulshadasaaxiibbo, hoggaamiyeyaal bulsho, xirfadlayaal si caruurta loogu abuuro deegaan taageero leh.

3.Daaweyn & Dib-u-habayn

·Samee barnaamijyo daaweyn (rehabilitation) oo u gaar ah caruurta, oo isku dara daaweyn caafimaad, la-talin maskaxeed, iyo xirfadaha nolosha.

·Adeegso hababka caafimaadka-dhaqanka (behavioral therapies) sida Adolescent Community Reinforcement Approach (A-CRA)taas oo ka caawisa dhalinyarada inay helaan waxyaabo beddel ah oo noloshooda taageera inta aanay u leexan maandooriyaha.

·Xuduud la-talin joogto ah, kooxo isku taageera (support groups), iyo hababka la socodka dib u dhac (relapse prevention).

 

4. Xeerar & Maamulka Soo iibsiga Maandooriyaha

·Xoojinta sharciga iyo maamulka si looga hortago in maandooriyeyaasha ay si sahlan u helaan carruurta tusaale hadaan ka bixiyo iibinta maandooriyaha, alaabaha khatarta leh, iyo kormeer buuxa.

·la shaqaynta ciidamada ammaanka, hay’adda deegaanka, iyo bulshada si loo baaro lagana hortago suuqyada sharci-darrada ah ee maandooriyaha ay ku iibiyaan .

5. Isku Xirka Hay’ado & Kheyraad

·Hay’adaha dowladda, NGO-yada, ururada bulsho, iyo hay’adaha caafimaadka waa in ay iskaashi sameeyaan, iskuna arkaan qorshe istiraatiiji ah oo waara kuwasoo ka hortaga dhibaatoyinka mandooriyaha lagu cirib tiri lahaa.

·Xildhibaano iyo maamul lokal ah in la wacyigeliyo si ay u dejistaan miisaaniyad ku filan oo loogu talagalay ka hortagga iyo daaweynta maandooriyaha.

·Si loo abuuro xarumo loo dhan yahay oo caruurta darbi-jiifka ah ay ka heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin sida caafimaad, la-talin, waxbarasho iyo taageero bulsho.

6. Barnaamijyada Dib-u-habaynta & Isdhexgalka

·Marka caruurta lagu guuleysto in la joojiyo isticmaalka, in dib loogu soo celiyo bulshada iyagoo la siinaya fursado waxbarasho, xirfado shaqo, iyo taageero la socod (aftercare).

·Barnaamijyada dib-u-soo-celinta qoyska (family reintegration programs) si caruurta aan si joogto ah u sii joogin waddooyinka.

·Si loogu daro ciyaaro sida fanka, hal-abuur leh (art, muusig, isboorti) qayb ka mid ah barnaamijyada si caruurta loo dhiirrigeliyo isticmaalka waqtigooda.

GUNAANAD

Isticmaalka maandooriyaha ee caruurta darbi‑jiifka ah waa dhibaato ballaaran oo saameyn dheer leh mid caafimaad, mid nafsi iyo mid bulsho. Caruurta ku tiirsan maandooriyahan waxay lumiyaan fursado badan oo nolosha ah waxay la kulmaan cuduro, dhaawac maskaxeed, joojis waxbarasho, iyo halis badan oo nafsi ah.

Si kastaba, xaqiiqadu waxay tahay in xal dhab ah jiro badanaa waa mid isku dhafan oo ka bilaabma wacyigelin, taageero bulshada qoys, barnaamijyo daaweyn iyo dib‑u‑habayn, iyo cawaaqib sharci iyo maamulka. Marka hay’adaha dowliga ah, NGO-yada, bulshooyinka deegaanka iyo qoysaska ay si wadajir ah uga shaqeeyaan, waxaa suurtagal ah in la yareeyo isticmaalka maandooriyaha, loona abuuro mustaqbal ifaya oo caruurta ka baxsan waddooyinka.

Best Regards,

Abdullatif Mohamed Samow

Email; [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...