Iswaafajinta Sharciga Maalgashiga iyo Horumarka Wershadaha JSL: Furaha Koboca Dhaqaalaha

0
Wednesday October 01, 2025 - 13:09:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iswaafajinta Sharciga Maalgashiga iyo Horumarka Wershadaha JSL: Furaha Koboca Dhaqaalaha

    Kulankaas muhiimka ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaas muhiimka ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa,



is waafajinta sharciga maalgashiga dalka iyo horumarinta Wershadaha oo la mideeyo isla markaana yeesha sharci ama xeer saldhig damaanadda maalgadhiga iyo abuurista wershadaha waxsoosaarku waa jidka sabool ka guurka Somaliland iyo higsiga horumar waara oo qaran.

Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan Guddida Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga, ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha dalka. Kadib markii shalay si rasmi ah loo daah-furay mashruuca iswaafajinta Sharciga Maalgashiga (Xeer Lr. 99/2020) iyo Soojeedinta Sharciga Horumarinta Wershadaha, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la dhiso nidaam sharciyeed oo mideysan, hagaya horumarka wershadaha iyo maalgashiga, islamarkaana dhiirrigeliya koboc dhaqaale oo waara.

Kulankaas muhiimka ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu saldhig u yahay geeddi-socod wadatashi oo ku salaysan xaqiiqooyin dhaqaale, talooyin daneeyeyaal, iyo qorshe sharciyeed oo iftiiminaya jihada mustaqbalka ee dhaqaalaha Somaliland. Waxa ka qaybgalay wasaaradaha Maaliyadda, Maalgashiga, Ganacsiga, iyo sidoo kale Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha iyo Ururka Wershadlayda hay’adaha ugu sarreeya ee masuulka ka ah horumarinta dhaqaale iyo wax-soo-saarka dalka.

Inkasta oo Xeerka Maalgashiga ee 2020 uu hore u dejiyay hannaan sharciyeed oo lagu ilaalinayo maalgashadeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, balse waxaan jirin xeer gaar ah oo si qotodheer u dhigaya siyaasadaha horumarinta wershadaha. Balse mashruucan cusub ayaa ah mid isku xidhaya xoojinta koboca wax-soo-saarka wershadaha iyo maalgashiga si loo helo nidaam midaysan oo taageeraya horumakar dhaqaalaha dalka.

Is-waafajinta sharciga wershadaha iyo maalgashiga waxay Somaliland u abuuri doonaan fursado badan, sida: Dhiirrigelin Maalgashi Toos ah (FDI): Maalgashadeyaasha gudaha iyo kuwa caalamka ayaa helaya kalsooni sharciyeed; Korodh Dhaqaale ku Saleysan Wax-soo-saar: Dhaqaaluhu wuxuu ka tallaabi doonaa adeegyada una guuri doonaa dhanka wax-soo-saarka; Shaqo-abuur Ballaaran: Gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, iyadoo wershaduhu noqdaan laf-dhabarta shaqo-abuurka iyo Tartan Goboleed: Somaliland waxay noqon kartaa meel maalgashi oo la tartanta dalalka gobolka, haddii sharciyadda si hufan loo hirgeliyo.

Gunaanad

Kulankaas daah-furka ahi wuxuu caddeyn u yahay in Somaliland u socoto dhabbaha saxda ah ee ay ku gaadhi karto koboc dhaqaale oo waara. Hindisahani wuxuu muujinayaa in sharciyadu ay yihiin aalado wax-ku-ool ah oo lagu dardar-gelin karo horumarka ganacsiga iyo wershadaha, laguna abuuri karo fursado nololeed oo cusub.

Waa tallaabo muhiim ah oo ka turjumaysa yididiilo qaran iyo u diyaargarow dhaqaale oo casri ah. Haddii loo hirgeliyo si dhab ah, waxay noqon doontaa saldhig adag oo Somaliland kaga mid noqon karto dalalka gobolka ku hormaray dhinacyada wax-soo-saarka, maalgashiga, iyo shaqo-abuurka. Waana fursad aynaan lumin karin.


Loading...
Loading...