Tuugadii ugu weynayd Dunida oo ka dhacay cryptocurrency
Gabadh u dhalatay dalka Shiinaha ayaa lagu helay dambi ah in ay kaalin muhiim ah ka qaadatay xatooyadii ugu weynayd ee lacagta loo yaqaan cryptocurrency, taas oo qiimaheedu ka badan yahay £5 bilyan ($6.7 bilyan).
Zhimin Qian oo sidoo kale loo yaqaan Yadi Zhang, ayaa Isniintii ka qiratay maxkamadda Southwark Crown ee magaalada London in ay si sharci-darro ah ku heshay islamarkaana ku haystay hantidaas.
Intii u dhexeysay 2014 ilaa 2017, Qian ayay hoggaaminaysay khiyaano weyn oo ka dhacday Shiinaha, taas oo lagu dhacay in ka badan 128,000, sida uu sheegay booliisku.
Booliiska Metropolitan-ka ee magaalada London ayaa sheegay in 61,000 oo bitcoin ah laga qabtay gabadhaas.
Waxyna intaas raaciyeen in haweeneydan 47 jirka ah ay qiratay dambigeeda kaddib baadhitaan socday toddobo sano oo lagu baadhayay shabakad caalami ah oo lacag- maydhid ah.
Qian ayaa sharciga ka dhuumanaysay muddo shan sano ah ilaa la qabtay, taas oo keentay in la sameeyo baadhitaan adag oo ay iska kaashadeen hay’ado kala duwan, sida uu sheegay Sarkaalka baadhitaanka hogaaminayay, Detective Sergeant Isabella Grotto.