Maxaa Sababaya in Shaqada Dawlada USA ay Istaagto?

0
Wednesday October 01, 2025 - 13:06:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababaya in Shaqada Dawlada USA ay Istaagto?

    Sidaas darteed, Dimoqraadiyiintu waxay halkan ku leeyihiin saameyn. Waxay diideen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaas darteed, Dimoqraadiyiintu waxay halkan ku leeyihiin saameyn. Waxay diideen



Tani waxay keeni kartaa in qaar ka mid ah balse aan dhammaan ahayn adeegyada dawladda Mareykanka si ku-meel-gaadh ah loo joojiyo.

In kasta oo khilaafaadka miisaaniyaddu ay caadi ka yihiin siyaasadda Mareykanka, muranka gaarka ah ee kharashaadka markan ayaa ah mid aad u kacsan, maadaama Trump uu sagaalkii bilood ee la soo dhaafay si weyn u yareeyay baaxadda kharashaadka dawladda federaalka.

Maxaa sababaya in shaqada dawladda Maraykanku istaagto?

Qeexid fudud:Haddii ay dhacdo in dawladda la xidho, waxay ka dhalan doontaa awood la’aanta labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ah inay isla meel dhigaan oo ansixiyaan sharci maaliyadeed oo lagu sii wado maalgelinta adeegyada dawladda bisha Oktoobar iyo wixii ka dambeeya.

Sidaas darteed, Dimoqraadiyiintu waxay halkan ku leeyihiin saameyn. Waxay diideen inay taageeraan sharci ay Jamhuurigadu soo bandhigeen, kaas oo ay sheegayaan inuu ka dhigayo daryeelka caafimaadka mid qaali ku noqda dadka Mareykanka ah. Mucaaradkani wuxuu salka ku hayaa in la horumariyo yoolalka siyaasadeed ee Dimoqraadiyiinta ee dhinaca daryeelka caafimaadka.

Waxay codsanayaan in la kordhiyo dhiirrigelinta canshuur dhaafka ee dadka Mareykanka ah ka dhigta caymiska caafimaadka mid jaban kuwaas oo qorshuhu yahay inay dhacaan iyo in la laalo go’aannada Trump uu ku jaray barnaamijka Medicaid. Waxay sidoo kale ka soo horjeedaan jarista miisaaniyadda xarumaha xakameynta cudurrada (CDC) iyo hay’adaha cilmi-baadhista caafimaadka ee Qaranka (NIH).

Sharcigii ku-meel-gaadhka ahaa ayaa hore looga ansixiyay Aqalka Wakiillada, oo ah aqalka hoose, balse wali lagama ansixin Aqalka Sare.

Goorma ayay dhici kartaa inay shaqada joojiso dowladdu?

Haddii aan heshiis la gaadhin, markay saacadda Mareykanka tahay 00:01 subaxnimo Arbacada (ama 05:01 subaxnimo waqtiga UK), Mareykanku wuxuu geli doonaa xidhitaankii ugu horreeyay ee adeegyada dawladda muddo ku dhow toddobo sano.

Markii ugu dambeysay ee dawladda la xidhay waxay ahayd dhammaadkii 2018, intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee Madaxweyne Trump. Labada dhinac waxay hadda samaynayaan dedaalladii ugu dambeeyay si loo baajiyo in xaaladdu soo noqoto.

Trump, oo markii ugu horreysay tan iyo markuu dib ugu soo noqday Aqalka Cad la kulmi doona afarta hoggaamiye ee ugu sarreeya ee Congress-ka oo ay ku jiraan madaxda sare ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Sare ayaa hoos u dhigay rejada laga qabo in la gaadho heshiis.

Marka la eego xaaladda hadda jirta, waxay aad u muuqataa in halista xidhitaanka dawladdu ay sarreyso.

Dhinaca Jamhuuriga, saraakiisha maamulka Trump ilaa hadda ma muujin diyaar u ahaansho inay sameeyaan wax tanaasul ah oo dhab ah.

Waxay u muuqdaan kuwo aaminsan in Dimoqraadiyiintu maadaama ay yihiin kuwa dalbanaya wax beddelkeed ah si dawladdu usii shaqayso ay noqon doonaan kuwa eedda dadweynuhu dusha ka saaro, sida dhacday xidhitaanno hore.

Dhinaca kale, Dimoqraadiyiintu waxay aaminsan yihiin in dedaalkooda lagu ilaalinayo deeqaha caymiska caafimaadka uu yahay arrin ay dadweynuhu taageerayaan.

Intaa waxaa dheer, hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga ayaa wajahaya cadaadis ka imanaya taageerayaasha garabka bidix, kuwaas oo ku eedeeyay inay is dhiibeen intii lagu jiray khilaafkii miisaaniyadda bishii Marj ee hore.sidaas darteed, Dimoqraadiyiin badan ayaa doonaya inay markan dagaal weyn galaan – maadaama arrinta maalgelinta dawladda ay tahay meelaha yar ee ay saameyn ku leeyihiin.

 

Xilliyadii hore, xidhitaannada dheer ee dawladda waxaa loo arkayay kuwo khatar siyaasadeed ah, maadaama ay saameyn xun ku yeeshaan nolol maalmeedka dadweynaha iyo sumcadda xildhibaannada iyo Madaxweynaha.

Laakiin markan, maamulka Trump wuxuu u muuqdaa mid si buuxda ugu faraxsan inuu xidho qaybo badan oo ka mid ah dawladda Mareykanka muddo dheer. Xitaa waxaa laga digay in maamulku uu u isticmaali doono xidhitaanka si uu u aqoonsado shaqaalaha "aan muhiimka ahayn” ee la fasixi karo si rasmi ah.

Sidoo kale, xidhitaannadii hore kadib, hawlaha dawladda badankood waxay ku soo laaban jireen sidii hore shaqaalihii iyo miisaaniyaddii oo dib loo soo celin jiray.

Laakiin sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, maamulka Trump wuxuu si weyn u jaray kharashaadka, wuxuuna shaqada ka eryay shaqaale badan, isagoo tijaabinaya xadka awoodda madaxweynaha. Xidhitaanku wuxuu siin karaa fursad ay ku sii dardar geliyaan dhimistaas ballaadhan.

Maxaa saameyn ah oo ka dhalan kara?

Haddii Congress aanu ansixin sharci kharashaadka, dhammaan dawladda ma xidhmayso.

Adeegyada sida ilaalinta xuduudaha, daryeelka caafimaadka ee gudaha Cisbitaallada, booliska, iyo maamulista duulimaadyada cirka (air traffic control) waxay sii shaqayn doonaan inta lagu jiro xidhitaanka.


Loading...
Loading...