Mourinho:" Waxaan Ahay Tababarihii Ugu Guulaha Badnaa Chelsea, Cidna Ma Jebin Karto Rikoodh Kaas"

0
Wednesday October 01, 2025 - 13:05:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho:" Waxaan Ahay Tababarihii Ugu Guulaha Badnaa Chelsea, Cidna Ma Jebin Karto Rikoodh Kaas"

    Waxa uu intaas ku daray: "Chelsea waa mashiin guulaha ah, balse labadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu intaas ku daray: "Chelsea waa mashiin guulaha ah, balse labadii



Tababaraha Benfica José Mourinho ayaa sheegay in uu weli yahay tababaraha ugu guulaha badan ee taariikhda Chelsea, xilli uu ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Champions League ee ay kooxdiisu kula ciyaarayso Blues garoonka Stamford Bridge.

 

Mourinho, oo xusuus gaar ah ku leh kooxda reer London, ayaa tilmaamay in cidna aysan la wadaagin magacaas illaa tababare kale uu ku guuleysto afar horyaal oo Premier League ah.

 

Waxa uu intaas ku daray: "Chelsea waa mashiin guulaha ah, balse labadii ama saddexdii sano ee ugu dambeeyay waxa ay ahaayeen kuwo aanan arag wax koobab ah. Ka hor imaashahaygii way guuleysteen, markaas kadib kooxdeydu way guuleysatay, kadibna waxaa yimid kooxo iyo tababareyaal cusub oo iyaguna ku guuleystay koobab, xitaa kuwa Yurub ah sida Champions League. Laakiin anigu waxaan ahay kan ugu weyn illaa uu qof kale ku guuleysto afar horyaal.”

 

Xusuusin: Mourinho ayaa Chelsea kula guuleystay 3 horyaal Premier League, FA Cup, League Cups

 

Taas oo weli ka dhigaysa tababaraha ugu guulaha badan taariikhda kooxda, inkastoo ay jiraan tababareyaal kale oo ku guuleystay koobabka Yurub.


Loading...
Loading...