Kormeer lagu Hubinaayo Caafimaadka Ilkaha ee Xarumaha Hargeysa
Saddex wasaaradood iyo Ciidanka Socdaalka Somaliland, komishanka mihnadleyaasha caafimaadka iyo xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, ayaa sameeyay kormeer lagu hubinayo xarumaha caafimaadka ilkaha ee gaarka loo leeyahay adeegyada ay qabtaan,xirfadleyaasha ka hawl gala iyo badqabka iyo nadaafadda goobaha ay deggan yihiin ee ay ku shaqeeyaan.
Kormeerka ay si wadajir ah u fuliyeen Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka JSL, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Ciidanka Socdaalka iyo Xafiiska Gobolka Maroodi-jeex, kuna wajahnaa goobaha caafimaadka ee bixiya adeegyada Caafimaadka ilkaha ,ayay ahayd ujeedadiisu hubinta xirfadleyaasha bulsahda u adeegaya, in ay haystaan ogolaansho shaqo iyo in ay buuxiyeen shuruudihii shatiyada caafimaadka.
Waxaa kale oo kormeerka lagu hubinayay qalabka ay ku shaqaynayaan iyo goobaha ay ku jiraan in ay ku habboon yihiin in bulshada loogu adeego qalab ahaan iyo nadaafad ahaanba. Waxaa muuqata in ay sii kordhayaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, gaar ahaan kuwa bixiya adeegyada caafimaadka ilkaha. Laakiin korodhkaasi waa inuu la socdaa debagal joogto ah, si loo xaqiijiyo in dadka adeegsanaya ay helayaan adeeg hufan, xirfad leh, laguna kalsoonaan karo. Waxaa xusid mudan in adeeg caafimaad oo liitaa uu khataro halis ah ku keeni karo bukaanka, gaar ahaan marka ay la timaaddo qalab aan habboonayn ama shaqaale aan xirfad u lahayn.
Kormeerkan waxaa sidoo kale laga dheehan karaa in hay’adaha kala duwan ee dawladdu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta tayada adeegyada bulshada. Iskaashigan hay’adaha dawliga ahi waa tusaale wanaagsan oo muujinaya in mas’uuliyad wadareed la qaaday.
Iskaashiga laamaha dawladda iyo isku xidhnaanta shaqada ay qaranka u hayaan iyo shaqada khusaysa ee gaarka loo leeyahay ayaa umada u hor seedi karta in ay helaan adeeg bixin sax ah oo lala xisaabtay oo fulinaysa shaqo la hubiyay oo dadka laga eegay habka loo qabanayo, cidda fulinaysa iyo goobta shaqada lagu qabanayo.
Xarumaha adeegyada caafimaadka oo ah kuwa ay ugu baahida badan yihiin bulshadeenu marka kormeer sidan oo kale ah lagula socdo isla xisaabtan dhab ahna lagu soo qiimeeyo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waa mid ay bulshadu ku heli doonto adeegyo caafimaad oo gaadgsiisan heer naf lagu aamini karo isla markaana lagu kalsoonaan karo cidda bixinaysa oo xirfadooda qaranku hubiyay.