Xidhiidhka JSL iyo UAE: Iskaashi ku Dhisan Horumarin Dhaqaale iyo Diblumaasiyad sii Kobcaysa
Ka qayb-galka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee shirarka caalamiga ah, gaar ahaan shirka ka socda dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo diiradda lagu saarayo maalgashiga Afrika, ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo kor u qaadaysa sumcadda Somaliland, isla markaana xoojinaysa dadaallada xukuumadda ee lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee waddamada Caalamka.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, oo qayb ka ah wafdiga Madaxweynaha, ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda shirkan, isaga oo tilmaamay in uu yahay mid sannadle ah oo miisaan weyn ku leh suuq-geynta fursadaha maalgashi ee Afrika. Wuxuu sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee caalami ah ee Somaliland lagu casuumo, taasoo ka tarjumaysa xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, muhiimadda ay dunidu siinayo doorka Somaliland ee gobolka. Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkani uu yahay fursad dahabi ah oo kaalin weyn ka qaadanaysa xoojinta xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay beesha caalamka.
Waa arrin dhiirrigelin leh in Somaliland mar kale lagu casuumo shir heer caalami ah, gaar ahaan mid si gaar ah diirrada u saaraya horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika. Tani waxay ka tarjumaysaa in dadaallada xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Maxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee dhinaca diblumaasiyadda iyo maalgashiga laga gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo.
Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee uu Wasiirku xusay ayaa ah in madaxweynuhu la kulmi doono maalgashadayaal caalami ah, isaga oo uu culayska saaraya maalgelinta tamarta Somaliland, arrintaas oo ah mid muddo dheer caqabad ku ahayd koboca dhaqaalaha iyo horumarka guud ee dalka. Qiimaha sare ee korontada gudaha Somaliland wuxuu si toos ah u saameeyaa kobaca ganacsiga, nolosha dadka iyo horumarka warshadaha. Sidaas darteed, helidda maalgashi dhab ah oo lagu dhiso kaabayaasha tamarta Somaliland waxay noqon kartaa isbeddel lagu gaadho horumar degdeg ah.
Wasiirka Madaxtooyada: Kaalinta Shirkan ee Horumarinta Dhaqaalaha iyo Tamarta JSL:
Wasiirka ayaa iftiimiyay in shirkani yahay fursad qaali ah oo aynu ku dhiirri-gelin karno maalgashiga, isla markaana aynu ku xoojin karno xidhiidhada beesha caalamka. Sidoo kalena uu muhiimad gaar ah u leeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta sumcadda Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Shirkan waa shir culayskiisa leh oo diirrada lagu saaro maalgashiga Afrika ay helayso sidii loo fududayn lahaa, waana shir sannad kasta dhaca, waxana farxad ah in dawladda Imaaraadka Carabtu shirkan ay inagu soo casuuntay oo ah shirkii labaad ee caalami ah ee ay Somaliland ka qayb gasho ee halkan ka dhaca. Waana shir muhiimad weyn u leh dalkeena marka laga eego dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo kobcinta dhaqaalaha.”
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu inta lagu guda jiro shirka caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta uu kulammo gaar ah la yeelan doono maalgashadayaal kala duwan, isaga oo si gaar ah diirradda u saaraya horumarinta maalgashiga dhanka tamarta dalka. Ujeeddada ugu weyn ee dadaalkaasi waa in la helo xal waara oo hoos loogu dhigo qiimaha sare ee korontada, taasoo ka mid ah ajandayaasha ugu mudan ee Madaxweynaha Qaranka. Arrintani waxay si cad u muujinaysaa dadaallada wadajirka ah ee xukuumadda, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan tahay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. "Madaxweynuhu inta uu halkan joogo wuxuu kulammo la yeelanayaa maalgashadayaal badan. Wuxuu si gaar ah culayska u saarayaa sidii maalgashi ballaadhan loogu heli lahaa tamarta Somaliland. Tani waa arrin muhiim ah oo uu madaxweynuhu ka dhigtay ajande siyaasadeed, si qiimaha korontada dalka uu hoos ugu dhaco,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda.
Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada socda, isagoo sheegay in haddii arrintan lagu guulaysto oo la helo maalgashi ku filan, in qiimaha korontada dalku uu hoos u dhici doono, taasoo si toos ah u saamayn doonta kobaca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada. Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaan rajaynaynaa in dadaallada Madaxweynaha JSL ay mdho dhalaan, oo la helo maalgashi dhab ah oo keenaya in korontadu noqoto mid dadkeennu awoodaan in ay si fudud u bixiyaan. Sidoo kalena ay noqoto tiir lagaga faa’iidaysto kobcinta dhaqaalaha dalka.”
Falanqaynta Wargeyska Dawan:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad waxay abuurtay hannaanka maalgashi oo lagu kalsoonaan karo, kaas oo ku saleysan daahfurnaan, xasillooni siyaasadeed, iyo shuruuc hufan oo maalgashi oo la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah.
Xilli ay dunidu si weyn ugu tartamayso fursadaha maalgashi ee Afrika, Somaliland waxay si firfircoon oo istaraatiiji ah u wajahaysaa tartankaasi. Waxay si cad u soo bandhigaysaa fursadaha ay leedahay, iyada oo isla markaana dhisaysa jawi maalgashi oo xasiloon oo soo jiidan kara maalgeliyeyaasha caalamiga ah, kuna abuuraya kalsooni iyo hami dhaqaale oo waara.
Somaliland waxay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, laga bilaabo tamarta cadceedda, dabaysha, ilaa saliidda iyo gaaska. Xukuumadda JSL iyada oo ka duulaysa ka faa’iidaysiga fursadahaasi istaraatiiji ah waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu suuq-geynayo, si loo helo maalgelin sax ah oo horseedi karta hirgelinta adeeg koronto oo jaban la awoodi karoisla markaana lagu kalsoonaan karo. Tallaabadani waxay noqon kartaa furaha horumar waara oo saameeya dhammaan qaybaha nolosha bulshada, gaar ahaan koboca dhaqaale, horumarinta warshadaha, iyo tayaynta nolosha shacabka.
Gunaanad
Ka qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland ee shirarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa diiradda lagu saarayo maalgashiga Afrika, waxay ka tarjumayaan biseylka siyaasadeed iyo himilada fog ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay ku wajahayso ka midho-dhalinta horumar waara.
Xukuumaddu waxay si cad u muujisay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay noqoto madal maalgashi oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo leh fursado dabiici ah, degaan ammaan ah, iyo hannaanka dawladnimo ee dimuquraadiga ah oo kobcin kara iskaashi dhaqaale oo midho-dhal ah. "Somaliland waxay maanta taagan tahay albaabka horumarka.”