Madaxweynaha Qaranka JSL oo Dunida Horgeeyay Fursadaha Maalgashiga ee Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa madal caalami ku soo bandhigay fursadah fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira gudaha Somaliland, isaga oo si gaar ah u dul istaagay muhiimadda istiraatiijiyadeed eeDekedda Berbera, taas oo uu ku tilmaamay in ay door weyn ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha, xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo dardargelinta isu socodka ganacsiga caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay kaalinta ay Somaliland ka qaadan karto kobcinta ganacsiga Bariga Afrika, isaga oo tilmaamay in ay tahay dal leh deegaan nabdoon, nidaam dowladeed oo dimuquraadi ah oo shaqaynaya, iyo fursado badan oo diyaarsan oo ay si weyn uga faa’iidaysan karaan maalgashadayaasha caalamiga ah.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay madashii shalay eeShirweynaha Maalgashiga Afrika (Africa Debate UAE 2025), oo diiradda lagu saarayay dekedaha, siyaasadda, iyo fursadaha ganacsi ee Bariga Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera iyo marin-biyoodkeeda istaraatiijiga ah, ayaa si cad ugu muujiyay doorka muhiimka ah ee ay Somaliland ku leedahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha.
Madaxweyne Cirro wuxuu beesha caalamka iyo dalalkii ka soo qayb galay shirka u caddeeyay in Somaliland tahaydal madax-bannaan oo muddo 34 sanno ah ku naaloonayay xasilooni siyaasadeed iyo nidaam dimuqraadi ah, isla markaana ay si joogto ah u qabato doorashooyin xor ah oo loo siman yahay. Waxa kale oo uu si weyn u iftiimaiyay in Somaliland ay leedahay nidaam dowladeed oo casri ah, hay’ado shaqeeya, iyo jawi nabdoon oo ku habboon maalgashiga caalamiga ah iyo la macaamilka dunida.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro wuxuu si gaar ah u bogaadiyay shirkadda caalamiga ah eeDP World, isaga oo ku tilmaamay inay qaadaytallaabo geesinimo leh, kadibmarkii ay maalgashatay Dekedda Berbera, aagga ganacsiga xorta ah (Free Zone) iyo marinka Berbera Corridor. Sidoo kale shirkan muhiimka ah waxaa ka qayb galayGuddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, taasoo kor u qaadday miisaanka kulanka iyo iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyo shirkadaha maalgashiga ee caalamka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Dekedda Berbera waxa uu yidhi, "Dekedda Berbera waxay leedahay taariikh soo jirtay qarniyo badan. Badmaaxiinta adduunka oo dhan, ha noqdaan Shiinaha, Yurub, Imaaraadka ama Boortaqiiska, waxay qoreen taariikho badan oo ku saabsan Berbera. Waxay ahayd xarun ganacsi oo badda ah qarniyo badan.”
Madaxweyne Cirro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay leedahay xeeb 850 km ah oo ku taal gacanka Cadan, taas oo muhiim u ah ganacsiga adduunka iyo marin badeedka caalamiga ah. Sidoo kale waxa uu caalamka u caddeeyay in Somaliland ay tahay saaxiib la isku halayn karo oo dimuqraadi ah, isaga oo sheegay inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee Soomaalida Geeska Afrika oo si dimuqraadi ah dadkiisu u soo doorteen.
Madaxweynaha oo ka hadlay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax bannaan oo buuxiyay dhammaan shuruudahii looga baahnaa helitaanka aqoonsiga caalamiga ah, waxa uu yidhi, "Somaliland waxay noqotay dal madax bannaan 26-kii June, 1960, xilligaa dalalka Somalia, Jabuuti, Eritrea, Kenya, Uganda iyo xitaa Imaaraadku may ahayn dalal madax bannaan. Waxaan si ikhtiyaari ah ugu biirnay Soomaaliya, laakiin sababo badan oo aanan halkan ka sheegaynin, waxaannu go’aansanay inaan dib u soo ceshano madax-bannaanidayada 18-kii May 1991.”
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu waraaqo u diray hoggaamiyayaasha adduunka 18-kii May 2025, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in uu rajaynayo in arrinta Somaliland si dhow loo tixgelin doono, isaga oo tilmaamay in ay taageero weyn ay ka helayaan xildhibaanno Maraykan iyo Ingiriis ah iyo siyaasiyiin kale oo uu kula kulmay safarradiisii u dambeeyay ee Jabuuti, Kenya iyo Imaaraadka. Waxaanu yidhi, "Waxaan rajeynayaa in dhowaan Somaliland qeyb ka noqoto dalalka caalamka ee aqoonsiga haysta.”
Madaxweyne Cirro wuxuu ka jawaabay fikradaha qaldan ee la xidhiidha khatarta budhcad-badeedda, isaga oo sheegay in Somaliland ay ilaalisay xeebaheeda, isla markaana aanay jirin wax falal budhcad-badeednimo ah oo ka dhaca aagga Somaliland. Wuxuu bogaadiyay DP World oo ku soo dhiiratay inay maalgashadaan Somaliland xilli kuwa dhigoodu ka werwersanaayeen, isaga oo tilmaamay in maalgashiga shirkaddaas uu soo jiitay shirkado kale sida Pharo Foundation oo dhawaan la saxeexatay heshiis 20 milyan oo doollar ah oo ku saabsan beeraha.
Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa ammaanay Dekedda Berbera iyo goobta istiraatiijiyadeed ee ay ku taallo ee Gacanka Cadmeed, isla markaana kulaalaysa Badda Cas iyo marinka Babul al Mandab iyo suuqyada badan ee khaliijka ah.
Wuxuu sheegay in shirkadda ay go’aansatay inay maalgashato dekedda Berbera sababta oo ah fursadaha badan ee ay leedahay, waxaanu sheegay inay heleen taageero weyn oo ka timid dawladda iyo shacabkaba. Wuxuu xusay in dekedda Berbera ay qaadi karto baaxad aad u weyn oo konteenaro ah sanadkiiba, isla markaana ay qorshaynayaan in la kordhiyo tirade konteenarada ay qaadi karto sannadkii. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirkado kale oo ay ka mid yihiin shirkadaha ugu waaweyn ee UK, ay bilaabeen inay maalgashadaan Berbera.
Sultan waxa uu sheegay in haddii la aqoonsado Somaliland ay si weyn kor ugu kacayso muhiimadeeda istaraatiijiyadeed iyo maalgashiga shisheeye, isla markaana ay wax weyn ka tari-doonto isu socodka ganacsiga adduunka, waxaanu yidhi, "Haddii Somaliland ay hesho aqoonsi, muhiimaddeeda ayaa labanlaabmi doonta, waxaana jiri doona shirkado caalami ah oo badan oo doonaya inay maalgashadaan.” Wuxuu intaa raaciyey in DP World aanay waligeed maalgashan meel aanay hubin oo aanay arkin in uu ka jiro koboc dhaqaale. Wuxuu sheegay in badeecadaha ay Hindiya u dhoofiso Afrika ama Afrika ay u dhoofiso Hindiya in lagu soo dejin karo Berbera, taas oo ay ugu wacan tahay goobta ganacsiga xorta ah iyo warshadaha ku yaal Berbera.
Gunaanad
Shirka ayaa muujiyay muhiimadda dekedda Berbera iyo fursadaha maalgashiga ee Somaliland. Madaxweyne Cirro iyo Sultan Ahmed Bin Sulayem waxay si wadajir ah u cadeeyeen in Somaliland ay tahay dal nabdoon, dimuqraadi ah oo fursado badan leh, waxaana ay rajaynayaan in aqoonsiga caalamiga ah uu soo dhowaado, taas oo kor u qaadi doonta muhiimadda istiraatiijiyadeed ee dekedda Berbera iyo Somaliland guud ahaan.