Cashar lamaanaha iyo faadumo Rasuul NNH.
Nabigaa Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee waxa uu booqday gurigii inantiisa waxa wakhtigaasina ahaa wakhtiga la yar hadhgalo ee duhurkii. Markii uu guriga galay waxa uu waayay xaajigeedii ee Cali Ibnu ina Daalib waxaanu ku yidhi mee inaadeerkaa, sida caadiga ahna carabtu waxay lahaayeen caado ah in galinka dambe ragu guryaha yar hadh-galaan.
Waxa uu nabigu Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee mee waxay ku tidhi waxa dhexyada ahaa wax, wuuna cadhooday sidaasi ayaanu u joogin guriga wakhtigii hadhgalka.
Nabigu naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee wuu baxay waxaanu helay isagoo hurda hadhka gidaarka masaajidka wuu u tagay waanu jiqilaysnaa isaga oo uu gu’ii ka dhacay oo ciidii jidhkiisa ku taalo, nabigu naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee ciidii buu ka masaxay dhabankiisa waxaanu ku yidhi istaag saaxiibkii ciidaw, istaag saaxiibkii ciidaw.
Macnayaasha quruxda badan ee laga dheegan karo qisadan waxaa ka mid ah in Faadumo tahay Mudantii dumarka ahlu janaha, Calina yahay tobankii janada loogu bushaareeyay, iyada oo taasi jirto hadana hadana dhexdooda waxa dhacayay mashaakil, doodo.
Arrinta kale ee aan ka dheehan karno inkasta oo gurigu yahay mid tusaale ah oo ninka iyo gabadhu yihiin dadka wanaagsan ee sharafta iyo qiimaha leh, haddana dhexdooda waxaa dhacaya dhacdooyin iyo arrimo dhibaato leh.
Haddana qisadan wax yaahaba aan ka baran karno waxaa kamida adaabta ay faadumo markay sheegtay waxa dhex maray iyada iyo xaajigeeda cabiraad aad u fudud. Maxay tidhi waxa dhexdayada jiray wax, wax waxaasi may sii sharixin manay sheegin cid masuuliyada lahayd ama khaladka lahaa waxay arrinka ka dhigtay arrinka mid ay labadoodu qayb ka ahaayeen iyada iyo ninkeeda.
Sidaa daraadeed wax yaabaha guryuhu is dheer yihiin waa sida loo maareeyo sirta guriga taal taasi oo dhibaato yar oo guriga ka jirta dhamaan dadku wada og yihiin halka guryaha qaar hawl culus ka dhacdo aan cidi ogaan taasi qurux-dushooda dadku jamtaan. Sirtu waa sida warka guriga loo maareeyo.
Nabigu naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee muu waydiin waxa uu aha iyo maxaa dhacay, halkaa marka la joogo in mushkilada dadka waawayni soo galaan arrinku wuu sii waynaanayo ayuu rasuulku ina barayaa oo wareega khilaafka la kobo. Khilaafka in heerkiisa lagu hayaa waa arrin kale oo muhim ah
Ugu dambayn Faadumo allaah raali ha ka ahaadee may faafin sirihii xaajigeeda iyo gurigeeda xataa aabaheed oo ah rasuulkii ilaahay, halka nabigu Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee sida uu xaajiga inantiisa ula dhaqmay muu canaanan, muu waydiin maxaad u cadhoodtay ee aad guriga uga tagtay.
Waxaanu canaanta uga tagay si kal-gacalku u waaro taasi oo dhibaato yar oo jirtaa aanay u mudnayn in tooshka lagu shido balse bog cusub oo kale la furo. Maaraynta qoysku sida sheekh Mustafe sheegay waa mid ka mida mawduucyada ugu muhiimsan nolosha taasi oo aan bulshadu hadana muhiimad siin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!