Golaha Guurtida Oo Wasaarada Warfaafinta U Soo Bandhigay Arin La Xidhiidha Idaacadii Waynayd Oo Fadhida

0
Tuesday July 30, 2019 - 16:18:52 in News by
  • Visits: 1503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Wasaarada Warfaafinta U Soo Bandhigay Arin La Xidhiidha Idaacadii Waynayd Oo Fadhida

    Golaha Guurtida Oo Wasaarada Warfaafinta U Soo Bandhigay Arin La Xidhiidha Idaacadii Waynayd Oo Fadhida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Oo Wasaarada Warfaafinta U Soo Bandhigay Arin La Xidhiidha Idaacadii Waynayd Oo Fadhida


Hargeysa(HWN):-Idaacadii waynayd ee Radio Hargeysa oo laga dhagaysan jiray dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaan shaqayn mudooyinkii ugu dambeeyey.


Cilad ku timid idaacadaasi ayaa keentay inay hawada ka maqnaato in mudo ah iyada oo xukuumaduna aanay sheegin wakhtiga dib loo dhagaysan doono.

Image result for golaha guurtida somaliland


Hadaba golaha guurtida somaliland ayaa warbixin ay ka soo saareen kalfadhigoodii 69aad oo maanta soo xidhmay waxay xukuumada u soo jeediyeen inay dib u kiciso idaacadii waynayd.


Warbixin laga soo saaray xidhitaanka kalfadhiga 69aad ee golaha guurtida ayaa lagu yidhi "Wasaarada warfaafintu waa inay ka shaqaysiisaa oo ay kicisaa idaacadii waynayd ee laga dhagaysan jiray dalka gudihiisa iyo dibadiisa.”


Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in wasaarada warfaafinta loo baahan yahay barnaamijyo tayeysan oo bulshada wax u tara "Wasaarada warfaafintu waa inay samaysaa barnaamijyo tayeysan oo la xidhiidha diinta, dhaqanka iyo wadaniyada.”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...