Caruuraha Cabsiiskiyo,Ceeryaamada Aroortii,Cir Ha Mooden Roobaad.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Caruuraha Cabsiiskiyo,Ceeryaamo Roob Moode,
Caad Baad Cirko Da'ya,Caqligiina Gelinaysaan.
2-Cabsina Waa Lagu Jiraayoo,Cadaaweydin Leedahiine.
Colba Idin Guud Fadhiya,Ciyaarna Waad Tumanaysan.
3-Cadaawe Waxa Caabiyaaya,Ciidanko Kuu Hubaysano,
Calooshoodu Wacanto.Caruurtu U Faraxsan Tahay.
4-Culayska Ku Soo Maraba,Casharuunba Laga Bartaayo,
Caqligaaga Waxbaw Kordho,Markaasaad Ku Ciilbaxdaa.
5-Caynba Cayn Aduunyadu,Cisho Noolba Waa Caynoo,
Colaado Iyo Dagaali Iyo,Maalmo Caano Nabaddeed.
6-Carado Abaaru Cirku Kuu Da’ayodd Ka Cabta Xareedo,
Cidnaba May La Dhalanine,Weelkaaga Aad U Culataa.
7-Canaan Laguma Gaadhaayo,,Calaf Bay Ku Socotaaye,
Cabashadu Ma Fiicnoo,Waa Calool Adagay Taladu.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!