Wargeys Ka Soo Baxa Nairobi Oo Daaha Ka Rogay Inaan Go'aanka Maxkamada Cadaalada ICJ Xalin Karin Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya+Sababta

0
Tuesday July 30, 2019 - 15:11:20 in News by
  • Visits: 2282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeys Ka Soo Baxa Nairobi Oo Daaha Ka Rogay Inaan Go'aanka Maxkamada Cadaalada ICJ Xalin Karin Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya+Sababta

    Wargeys Ka Soo Baxa Nairobi Oo Daaha Ka Rogay Inaan Go'aanka Maxkamada Cadaalada ICJ Xalin Karin Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya+Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeys Ka Soo Baxa Nairobi Oo Daaha Ka Rogay Inaan Go'aanka Maxkamada Cadaalada ICJ Xalin Karin Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya+Sababta

 


Wargeys ka soo baxa magaalada Nairobi ee Kenya ayaa wax ka qorey dacwadda badda ee taala maxkamadda cadaalada adduunka ee ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya,.


Wargeyska ayaa u muuqda inuu muujinayo jiho cusub oo suuragal ay tahay in uu qaado khilaafka labada dal.

Uhuru iyo Farmaaajo


Isaga oo soo xiganaya xeeldheerayaal xagga sharciga ah oo toddobaadkii hore ka qeybgalay kulan arrimahan lagu falanqeeynayay oo ka dhacay Nairobi, ayuu wargeyska sheegay in go'aan kasta oo ay maxkamadda gaadho aanu soo afjari doonin khilaafka labada dal.


Wargeyska East African wuxuu qoray in marka ugu dambeysa ay Soomaaliya tahay in ay la fadhiisato Kenya, xitaa haddii loo xukumo dhul badeedka.


Shirka Nairobi ka dhacay waxaa martigaliyay machadka caalamiga ah ee Horn International Institute for Strategic Studies, waxaana dadkii khubarada ahaa ee lagu casuumay ay sheegeen in muranka dhulka ee dalalka kale dhexmaray aanan laga gaadhin xal, maadaama maxkamadaha ay "si qaldan u turjunteen dareenka siyaasadeed ee dalalkaas ka dhex jiray," sida wargeyska uu daabacay.


"Waa qaabab fool xun oo shaqooyiinka loo qabto, waa arrin ku dhammaan karta guul iyo guul daro," ayuu wargeyska kasoo xigtay Makumi Mwagiru oo ka tirsan jaamacadda Strathmore ee Nairobi ku taala.


Aqoonyahanka ayaa shirka kusoo bandhigay daraasad uu ka sameeyay farqiga u dhaxeeya isfaham la'aanta iyo khilaafka, isaga oo ku micneeyay in "isfaham waagu yahay wax muddo kooban socda, sida mid ka dhashay lo' Kenya laga leeyahay oo Soomaaliya u gudubtay".


Balse khilaafka ayuu ku sheegay in uu yahay mid muddo dheer qaatay oo ku saabsan arrimo aanan gorgortan laga gali karin sida dhul.


"Garsoorka wuxuu xalliyaa isfaham waaga, balse ma xallin karo khilaafka," ayuu ku yiri dadkii isugu yimid shirka.


Waxaa tusaale loosoo qaatay go'aankii maxkamadaha ay ka gaareen khilaafkii dhulka ee Nigeria iyo Cameroon oo lagu saleeyay wada xaajood hore oo dalalkaas ay ka yeesheen arrinta, sida uu sheegay Bashir Shettima oo mar ahaan jirey guddoomiyaha guddiga xudduudaha ee Nigeria.


Dadka qaar ayaa soo jeediyay eedeymo ah in kiiska badda uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu "siinayo fursad uu ugu isticmaalo in dib loosoo doorto", sidan waxaa ku doodaya Peter Kagwanja oo ah agaasimaha machadka Africa Policy Institute.


Mr Justice Srem Sai oo ka tirsan machadka Maamulka iyo Maareynta ee Ghana ayaa ku dooday in go'aanka maxkamadda aanan lasii saadaalin karin, ayna tahay in laga faa'iideysto fursadaha kale ee lagu xallin karo arrintan.

Loading...
Loading...