Xukuumada Oo Ka Hadashay Wada Hadal Ay Kula Jirto Jabhada Kornayl Caare

0
Tuesday July 30, 2019 - 14:49:36 in News by
  • Visits: 4674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Wada Hadal Ay Kula Jirto Jabhada Kornayl Caare

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Wada Hadal Ay Kula Jirto Jabhada Kornayl Caare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Ka Hadashay Wada Hadal Ay Kula Jirto Jabhada Kornayl Caare


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay wada hadal u socda jabhada uu hogaaminayo kornayl Caare.


Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahin Baqdaadi oo warbaahinta kula hadlay Burco ayaa sheegay in qorshaha xukuumadu yahay in nabad lagu soo xera galiyo jabhada Kornayl Caare.




Ugu horayn gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi oo ka hadlaya qorshaha xukuumada ayaa waxa uu yidhi "Wada hadal ayaa u socda odayaasha beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caare iyo isagii oowada fadhiya, xalayna way is arkeen, maantana waynu eegaynaa wixii ka soo baxa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa.”


Dhinaca kale wasiirka gaadiidka somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa dhankiisa faah faahiyey wada hadalada ay dawladu kula jirto kornayl Caare waxaanu yidhi "Caare waa nin somalilander ah, inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaas sanadood wax kasta oo ina horyimaada in si nabadgalyo ah lagu dhamaystiro, xukuumadana go’aankeedu waa in hawshaasi ku dhamaato si nabad galyo ah waayo nin kasta oo dhinaciisa iyo dhinaceena ka dhimanayaaba waa dadkeenii.”


Sidoo kale wasiirka gaadiidka ayaa sheegay in arintan uu xilka ugu weyni ka saaran yahay madaxda la doortay ee ugu saraysa dawlada somaliland "xilkuna waxa uu saaran yahay waa masuuliyiinta iyo dadkaas la doortay ilaahayna kala xisaabtamayaa markaa dawladu waxay ku dedaalaysaa in hawshaasi ay ku dhamaato nabad galyo.”


Si kastaba ha ahaatee shacabka somaliland ayaa dhawraya halka ay ku dambayn doonaan wada hadalada u dhaxeeya xukuumada madaxweyne Muuse Biixi iyo jabhada uu hogaaminayo kornayl Caare.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...