Naqabtoo, Na Shaxaada.! Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

0
Tuesday July 30, 2019 - 14:48:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naqabtoo, Na Shaxaada.! Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

    Gobanimada iyo wanaaga, baarkeeda, u sarreeyaa, waa hurida,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobanimada iyo wanaaga, baarkeeda, u sarreeyaa, waa hurida,
iyo quudhida,  adoo u baahan maalka, deeqsinimada, waxa lagu helaa, Raali Ahaanshaha Rabbi Swt. Iyo magac, sharaf, iyo maamuus laguna majiirto, deeqsiyaasha. Taasi, oo dad badan, oon kasban, wanaagaasi, xataa, jecel yihiin in loogu yeedho.

Wax bixintu waa tilmaan Rabbigeen Swt, ku kaliyaystay, in dhamaan sanku neefle, oo dhan, halmar wadda arsaaqo, midkasta xaaladiisa gaarka ahna ku biilo, taasi oo inta badan, boqolkiiba ku dhawaad, 95%, ama in kabadan yihiin xayawaan halka 70% lagu sheeko noole ilma qabatinka ah. Kuwaas oo aan lahayn kayd, raashin, arroor kastana baahan.Subxaanallaah.



Hadda Rabbi Swt. Isagoo, aadmiga saaray. Waajibaad, ay kaga duwan yihiin xayawaanka. Waajibaadkaasi, waxa kamid, wax bixinta, kala duwan ee sharcigeenu dhigay,  deeqsinimadu, waa tilmaan. Rabbi Swt, leeyahay. cidda ku sifawdana, wuu jeclaadaa.


Sunadda waxa ku suntan sidii Suubanihii Rasuulkeenii, Naxariis iyo Amaani Korkiisa ha ahaatee, in maal, gurigiisa ku baryi jirin, dadkuu waxsiin jirayna, laga qoray. siduu wax u bixinaayo, mid aan waligii faqri ka baqayn, oo haddii aanay jirin mayada, ku jirta Ataxyaadku. Mayadiisu, Haa,  bay, noqon lahayd.


Sida qiso, lagu soo wariyo, nin kamida, qoomkii, Nabi Muuse Naxriisi korkiisa ha ahaatee, Ilaahay,Swt. Baryay in uu Maal siiyo, ninkii waxa lagu yidhi da’deed, doonaysaa in maalka lagugu siiyo, ma ta hore, ta dhexe, msie ta dambe, kadibna lagaa jaro maalka, marka uu da’daasi dhaafo, ninkaasi waxa uu codsaday, in ta hore ee da’yaraanta lagu siiyo maalka, sidii baanu maalkii ku helay.


Markii uu barwaaqaystay, ee uu muddo maalkii maalayay, ayuu Nabig Muuse Cm, arkay ninkii oo waayeela, ah. maalkiina sidii sii, hore ugu, buuxo, balse ninkaasi wuu,  gacan furnaa, wax bixintiisuna bilaa xadbay ahayd.


Nabi Muuse Rabbigii Swt. buu waydiiyay, Allaw ninkaa Saddexdii da’ oodba maalkii waad siisee waa sidee? Allaah Swt, waxa uu ugu jawaabay. Sawka wax bixinaya, ee dadka wax siinaya, in wax la bixiyo, anaa  ugu muddan, intuu bixinayo, ana waan siinayaa. Qisooyinka wixii axkaam, ka dhalayn, waa la soo rari karaa.


Qofka wax bixiyaa, waligii ma faqriyo, intuu nool yahay, sida sunaha nolosha lagu ogaaday.

Nin aanu, saxiib nahay, baa iiga sheekeeyay, nin ay waddashaqayn jireen, oo ahaa, Suuq Geeye, allaabta, in marka uu lacag soo qaato, uu gaadhiga ku leexin jiray, taraafikada, oo uu odhan jiray, Naqabtoo, Nashaxaada. Waxoo gaa deeqaana, si sharafleh u guddoonsiinjiray.


Arrintaasi oo deeqsinimo halkii ugu saraysay ah, marka, lacag soo qaataan, dadka la socda, qaar baa, ka dagi jiray gaadhiga, oo odhan jiray, waar hadduu dadka noogu yeedhi. isaguna, dad aan u jeedin, buu isku, soo jeediyaa. Waa gobanimo iyo quudhid iyo ilbaxnimo, kalsooni Rabbi  Swt, bixiyo.


Dhinaca kale, dadka qaar, waxay si fiican, u dabaqaan, Xaddiiskii ahaa, Ku daweeya, kiina Xanuunsanaya, Saddaqada, taasi oo dad badan marka wax ku liicaan, ay xattaa haddii, ay faro madhan yihiin, soo ammaah daan, siday ganacsigaa, in badan ugu macaasheen, markay yaqiinsadeen, tijaabiyeena, xaddiiskaasi.


Wax bixintu, maaha in aad malaayiin, la baxdo, balse sida Rasuulkeenii, Naxariis, iyo Ammaani dushiisa, ha ahaatee. inoo sheegay, dirham baa ka dheereeyay, boqol kun oo dirham, sahabtu waa qofka halka, Dirham bixiyay, waxa uu haystay, labba dirham, oo kala badh maalkiisii buu bixiyay, ka boqolka kun bixiyay, wax yaroo kamida maalkiisa. Markaa waxba ha yaraysan, waxaad bixinayso.


Wax bixinta, ugu sarraysaana, waa adigoo, bakhaylaya, faqrina ka cabsanaya, adduun, badana, aan hayn, wax bixiya, sida Xaddiiska macnihiisu u dhawaa. Deeqda ehelka la siiyaana wa labba Ajar.


Ugu dambayn ta ugu muhiimsan, waa sida Culimadu yidhaahdan, in aad Malaayiin la baxdo, waxaa ka muddan, in aad iska ilaaliso in xaaraani ku soo gasho. Allaw na dhawr.  

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin                                                                    [email protected]

 

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...