Karka Dheriga Maxaa Ka Keenay ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday July 30, 2019 - 14:21:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Karka Dheriga Maxaa Ka Keenay ( Abdi-Shotaly).

    Qudhaanjooy naa ku quuso, reer somalilandaw wax ku qaado, waa kaas askariggii la odhan jirey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qudhaanjooy naa ku quuso, reer somalilandaw wax ku qaado, waa kaas askariggii la odhan jirey
" Raggii ma adigaa ka hadhay", uu shalay iclaamiyey dagaalkii uu inta badan qarsanaayey, waxa la yidhi oo murti hore ahayd, Waxa uurka kaaga jira baa afku kaa xadaaye", waa kaas si badheedh ah, oo aan inaba madmadaw ku jirin, waadix ah oo sidda cadceedaas ina dul joogta loo arko, uu u sheegay una balba-laadhiyey, colaaddii uu u qabay beesha Garxajis, mataanaha, Ciise muuse, gabooye, Samaroon iyo Harti intaba. horaase waxa loo yidhi ama loogu maah-maahay " Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa", Akhristaw hadaba waxay askartu ciiro isku qarisaba, kolba shaadh aan nadiif ahayn inoo soo gashtaba, ummadda meel madaw uga gacan haadisa-ba, been iyo wax aan jirin soo malmaluu-qaanba, huu-haa shicibka lagu maaweeliyo-ba, shalay buu askariggii ay doobtii uu cunaha hoostiisa ku hayey soo dhacday, oo xumabaddii calyadda ahayd iyo waabayddii inta badan uu afka ku hayey, si lama filaan ah ay uga soo daadatay, ee madaieey markhaati ma ka tihiin, maantana maxaa lagu sheegi, wixii uu shalay isla soo taagay ee uu lahaa, reer yarna waa laga baqanayaa, wax uu ciidan qaran ku sheegay-na uu yidhi wax lagu dilay la garan maayo, saw wax afka ka weyn maaha? waase aynu ogayn aqoon-tiisu waxay tahay.



Murti hore baa waxay ina odhanaysaa " Karka dheriga maxaa ka keenay" oo jawaabta laga bixiyey-na ay ahayd " waxa ka keenay kulaylka", waxan uga socdaa hadba akhristaw, Maxaa daaray askariggii shalay ee shiday? Waakan dhididka tuuraayee, waa kii fardo cadaa ee soo joog laga kari la'aaye? Maxaa damqay ee uu hayn kari waayey maxay yihiin? Waxa uu la fatahay shalay siddii dher dabkii ka batay, oo biyihii daadiyey, maxaa ka shubay ilmadda iyo oohinta? Aan ku soo dhawaadee, waxa intaaba ka keenay, wax kale maaha ee waxa weeyeen markaad isku soo duubto:-


(1) Askariga qoys-kiisa ah oo "Reer Samatar ah ee lagu dilay Ceel-af-weyn" baa damq-day, oo uu hurdo la ledi waayey, baroorta iyo ilmadda uu qubaayo askrigu ma aha mid qaran ee waa mid uu "Reer Samatar ahaan iyo jifo ahaan-ba u taabtay, ee yaan si kale loo qaadan,


(2) General Caare oo inta uu Puntland ka soo kicitimay Buurta soo galay, intuu si cad Ceerigaabo u soo dhexmaray iyaka oo ciidan maleeshi-yaadkii jeegaantu, , kuwaas oo markii ay arkeen Xoogga Janeral Caare, u baneeyey, sidiina uu buurtii ku galay, iyadda oo cid is hor taagi kartaa aanay jirin. weliba ka laayey tiro askar u sheega ah, qaar kalena ka dhaawacay.


(3) Mar labaad oo uu ku ruqaansaday Afka buurta Tabaca, ilaa xeebta maydhana uu qabsaday, iyadda oo aan deero-deero u hirdiyin, arintan oo uu si wacan ugu gartay in aanu waxba ka samayn karin, weliba inta ay qarinayaan aan la soo koobi karin, markii uu ciidanka jabhadda dulmi diid ay baalalka ka riftay siddii digaagad xafashtay.


(4) Bal la yabaka jira, mudo shan sano ah baa "Reerkaas sacad Yoonis" kun jeer gardaro lagu weeraraayey, wacad jebin, dheer been ah, maaweelo nabad ku sheeg ah, oo masaakiin xoolo dhaqato ah, qaar maqaaxi iska fadhiya, maato, hablo naasaha rasaas lagaga afuufo, oo aan qof qudha la soo qaban, kolba been hoosaasin ah loola imanaayey, waana arinta Janaral Caare ku keliftay inuu ka baxo Ciidanka oo uu difaaco dad-kiisa, markii ay reer noqotay wixii lagu sheegi jirey Somaliland, ee uu u tegay Qardho hadeerna uu ilaa gunta u soo fadhiistay, waxay ka qaadi karaana aanay jirin.


(5) 300 ee aad tabar 4 bilood ah soo siisay ee qirin-qiirka ahna, waa la og yahay in aad xeebta Berbera soo marisay-na, waana laga war hayaa.


Waxa hadaba is weydiin leh, askriga " Raggii ma adigaa ka hadhay", mar qudha umuu hadlin ciidan la laayey, umanuu cataabin siddii aad shalay u arkayseen ee uu u hadlaayey, xataa markii askrtii Samaroon ee Dhex-dhexaadka ahayd lagu dilay Ceel-af-weyn, kamana uu hadlin intii laga dilay iyo weeraraddii ay ku wadda qaadeen, jeegaanta oo isu dhami iyo maamul-koodda labadda askari ee ka soo jeedaa ay hor kacayaan. Waxa uu shalay la waraaqay, ee sidda ciyaw wadkii galay uu cunaha isla qabtay, saw maaha Askari Reer Samatar ah baa la dily, oo reernimo umuu damqan, markii ay seeftii gondi-hiisa timi. Waxan ku soo xidhay qoraalkan waa taas oo abada ah ee u adkayso, sidaa aad u badheedhay baa laguula wadayaaye. Hungiri-dhaqmeedyadda ( Waa kuwa aad u soo dirtay Janaral Caare, ee aad madax-dhadhmeedka ku sheegta'e), ee Beesha Garxjis ka soo jeedda iyana waa la dilayaa, oo wax ay kuu qaban karaan baa iska yar, dabadda baa laga soo eryayaa, iyaka oo intii aad siisana kaa cunay, waxna aan kuu hayn bay kugu soo noqona-yaan maalmaha soo socdda ee u diyaar garaw, wax-yahaw bilaa caqliga ahi.


N.B Xabaal Qodataye, Waa Lagugu Ridi!

Qore:- Abdi-shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...