"Marka aan hadda qiyaaso, khasaaraha soo gaadhay shirkaddu waa qiyaastii 30%"Maamulaha warshada Royal.

0
Tuesday September 16, 2025 - 11:40:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Marka aan hadda qiyaaso, khasaaraha soo gaadhay shirkaddu waa qiyaastii 30%"Maamulaha warshada Royal.

    Waxa uu xusay in khatarta ugu weyn ay ahayd haddii dabku gaadho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu xusay in khatarta ugu weyn ay ahayd haddii dabku gaadho


Maamulaha guud ee shirkadda Royal ee soo saarta furaashyada, Cabdiqaadir Muumin Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha hor dhaca ah ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay qaybo ka mid ah warshadda.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in gudaha warshadda ay yaaleen biyo gaadhaya 3000 oo foosto kuwaasi oo loogu talogalay in lagaga hortago marka ay dhacaan xaaladaha noocan oo kale ah , taasi oo kaalin weyn ka qaatay in dabka si dhaqso ah loo xakameeyo, maadaama aan loo baahnayn in ciidanka dab-damisku meel kale biyo u dokntaan.


Waxa uu xusay in khatarta ugu weyn ay ahayd haddii dabku gaadho qaybta ay yaallaan walxaha caydhiinka ah, balse taasi laga badbaaday.

"Marka aan hadda qiyaaso, khasaaraha soo gaadhay shirkaddu waa qiyaastii 30%, halka 70% laga badbaadiyey. Qaybta walxaha caydhiinka ahna way badbaadeen, qaybtaasi oo hadii uu dabku gaadhi lahaa khaasre badani ka dhalan lahaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale, maamulaha shirkadda Royal ayaa ku ammaanay ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ay hor kacayaan Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta, dab-damis ka yimid deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Awbare, iyo shacabka Boorama oo si wadajir ah uga qayb qaatay daminta dabka.
Loading...
Loading...