Jawaab Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyey Ku Xigeenka Koowaad Ee Golahawakiilada Jsl
Waxan dhegeystey hadalo kasaa-kasaa iyo kibir ka muuqdo oon loo meel
deyin oo uu goob fagaara ah isla soo mutuxay Md Axmed Sheikh Cali
Ayaanle- waa Guddoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSl. Markasta oo
Doorasho soo dhowaato ayaa waxa inan dhego barjaysa "Saami Qeybsiga
Kuraasta Golaha Wakiilada." Dunida waxa waxa lagu Qeybsada waa tiro
koobta rasmiga ah ee dadka. Qaab beeleed iyo 4.5 tabliiqiga Axmed
Ismaaciil Samater iyo Cali Khaliif da'yarta kula dhexwareegayaan waxba
laguma qeybsado.
Ciddii saami qeybsiga samayn lahayd waa adiga iyo 81 kale ee shan
iyo toban sannadood ummadda soo hor kambadhuudha. Sidii lagu heshiiyey
Doorashadi Deegaanka ee Bish December, 2002-Hal Qof- iyo Hal Cod iyo
tiro Rasmi ah! Gobolka aad ka soo jeedo iyo guud ahaan qarankaba
cisaabadka aad horjooga ka tahay aya gabay oo wax ma tarayaal iyo
mooshin quutayaal noqday.
Tusaale Sida Dunidu wax u qeybsato:
Dalka Ingriiska:
Tirada Xubnaha Aqalka Hoose: 650 Xubnood
oo lookala Qeybsada sida soocota:
Gobolka "Scotland"== 59 Xubnood
Gobolka W/Ireland== 18 xubnood
Gobolka "Wales" == 40 xubnood
Gobolka "England" == 533
Sidaas waxay ku noqotay waa tiro koo, waana afartaa Gobol. Siyaado doonow indhaha iyo dhegaha furo.
Cidina cid kuma xad-gudbikarto oo xaqeeda ma duudsiyi karto.
Bilowgii Somaliland markay xiix, xuux, iyo hoos u gurxanku dhamman
waayey, waxa markhaati ma doon ah iyo laba kursi oon laha Gobolka Saaxil
Laga soo jaray ayaa midna Awdal la siiyey, midna Sanaag Bari. Ayaanlow
Reer Sanaag Bari kursigii la siiy si la yaableh ayey ka yeeleen. Adiga
ayaan kuu dhaafayaaye saxiibadaad Reer Las Qorey bal ka wareyso.
Gobolada dalka waa la wada degaa. Suaal ina Cali Ayaanlow kuraasta
aad hadda Gobolkaagu heysto dadka aad ka tirada badantahay intee ayey
saami u heleen marka degmo-degmo loo sii qeybiyo? Taydaa keli lihi taada
kula lihi dunida kama shaqayso. Wixii Gobolku helo anna isku koobaaya
halkee lagaga dhaqma? Maroodi-Jeex nin inaadeerkaa ah ayaa ka soo baxay.
Cidi kama hadal oo lama odhan Gobol kale ayuu ka soo jeeda. Doorashadii
Deegaanka ee 2012 Gailey waxa kasoo baxay dad laga tiro badan yahay,
cidina hoose ugumay fiirsan. Taana Ilaahay iyo Isaaq uunbaa laga helaaye
ha u deymo la'aan.
Somaliland oon halaqii Afweyne shan farood iyo calaacal kaga
dhaqaajay ayaan ku idhi kaama lihi ila wadaag. Ilaahay ka seko taa Isaaq
uunbaa laga helaa. Dad iyo duunyaba Isaaq wuu ku shuf beelay waanu u
badheedhay. Markaanu ciidamadii Afweyne arladan ku hirdamaynay halkeed
ku uumanayd? Ma asxaabul-kahaf- wal raqiim- baad ahayd?
Kun iyo kow jeer haddii la tiro koobo, Ina Cali Ayaanlow ku Abshir
kuraasta aad maanta haysto inka yar in aad helaysid. Marnaba hal kursi
oo siyaada ha u fadhin.
Awood dhaqaale iyo tiro ayaad sheegtay intaba soo bandhig, waxaynu
barbar dhigi dadka reer Awdal asal ahaan ka soo jeeda ee Shaqaale
Dowladeed ah askar ha noqoto ama shaqaale kale. Waa madax ka kow? Haddii
Gobolkaagu daalac yeesho waa laguu celin; haddii Gobolka siyaado la
socoto waa soo celiye sidaa ula soco.
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
July 30, 2019
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...