Diyaarad Militari Oo Ku Burburtay Pakistaan

0
Tuesday July 30, 2019 - 09:09:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Militari Oo Ku Burburtay Pakistaan

    Diyaarad ay leeyihiin militariga Pakistaan ayaa burburtay markii ay kusoo dhacday xaafad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad ay leeyihiin militariga Pakistaan ayaa burburtay markii ay kusoo dhacday xaafad
 dad badan ay degan yihiin oo kutaalla magaalada Rawalpindi ee dalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ku sugan gobolkaas.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay shilkaas, shan kamid ah dadka dhintay waxay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda halka 10 qof ay ahaayeen rayid, waxaana ku dhawaacmay 12 qof oo kale oo kamid ah dadka deegaanka.



Dabka ka dhashay diyaaradda burburtay guud ahaan waxaa uu la wareegay guryo dhowr ah oo ku yaalla goobtaas.


Magaalada Rawalpindi oo u dhaw caasimadda Pakistaan ee Islamabad ayaa waxaa ku yaalla saldhigyada militari ee ugu waaweyn dalkaas.


Ilaa hadda Makala cadda waxyaabaha ka dhashay shilka.


Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaradda kusoo dhacday ayaa waxaa ka muuqdaa burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha qaar.


Sannadkii 2010-kii ayay aheyd markii diyaarad ay ku burburtay meel u dhaw magaalada Islambad oo ay ku dhinteen dad gaarayay 152 qof oo ahaa rakaabka diyaaraddaas.

 

BBC

 

Loading...
Loading...