Guddoomiyaha WADDANI oo Ardayda Golis ku Dhiirrigeliyay inay Mustaqbalka Qorshe ka yeeshaan

0
Tuesday September 02, 2025 - 14:52:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha WADDANI oo Ardayda Golis ku Dhiirrigeliyay inay Mustaqbalka Qorshe ka yeeshaan

    Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ardayda sharciga barata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ardayda sharciga barata


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hambalyo u diray ardayda Jaamacadda Golis ee qalinjabisay maanta.

Xirsi ayaa ardayda ku dhiirrigeliyay inay mustaqbalkooda si qorshaysan ugu diyaar garoobaan, isagoo kula taliyay in aanay werwerin, maadaama werwerku aanuu faa’iido u lahayn qofka noloshiisa iyo aakhiradiisaba.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in dadka nolosha guusha ka gaadhaa ay yihiin kuwa qorshe wanaagsan ku qaabila mustaqbalkooda.


Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ardayda sharciga barata ee qalinjabisay ugu deeqay buuggiisa cusub ee uu dhawaan qoray, isaga oo tilmaamay in aqoonta iyo waxbarashadu yihiin furaha guusha iyo horumarka.

Waxaanu yidhi."Ardayda waxaan leeyahay ha werwerina sababto ah nafta iyo aakhirada qofka midna uma fiicna, ha werwerina oo mustaqbalka haka werwerina wixii aad ku qaabili lahaydeen mustaqbalka udiyaarsada, way guuleystaan dadka nolosha qorshaha kalihi, marka mustaqbalkiina dadaal wacan ku qaabila.

Waxaan jecelahay ardayda sharciga barata ee jaamacaddan Gollis ka qalin-jabinaysa inaan u hibeeyo buugayga aan dhawaan qoray".
Loading...
Loading...