Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo ka hadlay Ahmiyada Xeerka Saxaafadda JSL.

0
Tuesday September 02, 2025 - 14:47:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo ka hadlay Ahmiyada Xeerka Saxaafadda JSL.

    Wuxuu intaas ku daray in shirar badan la qabtay si ciidanka booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu intaas ku daray in shirar badan la qabtay si ciidanka booliska


Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadanaha Qaranka Somaliland, Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa ka hadlay muhiimadda xeerka saxaafadda ee Somaliland.

Wuxuu sheegay in saxaafaddu ay tahay tiirka afraad ee dowladnimada, isla markaana loogu talo galay in ay ka qayb qaadato dhismaha iyo horumarinta dowladnimada.


Mudane Baaruud ayaa xusay in xeerka saxaafaddu si cad u qeexayo xuquuqda iyo waajibaadka ay wadaagaan saxaafadda iyo dowladda.

Wuxuu intaas ku daray in shirar badan la qabtay si ciidanka booliska iyo saxafiyiinta loogu fahansiiyo xidhiidhka iyo wada shaqeynta laga rabo, taas oo kor u qaadeysa isfahamka iyo ilaalinta xuquuqda saxaafadda.

Waxaanu yidhi. "Mudnaan gara ayuu leeyahay xeerka saxaafadda Somaliland, warbaahintu waa tiirka afraad ee dowladnimada, waxaana loogu tallo galey inuu dhismaha dowladnimada ka qayb qaato, hase ahaate xeerku waxa uu kala sheegaya xuquuqda ay kala leeyihiin Saxaafada iyo dowladda.

Shirar badan ayaan qabanay aan isku fahansiinayno ciidanka booliska iyo saxafiyiinta"
Loading...
Loading...