Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Amaro Cusub Oo Amniga La Xidhiidha Iyo Sababta Keentay

0
Monday July 29, 2019 - 21:04:47 in News by
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Amaro Cusub Oo Amniga La Xidhiidha Iyo Sababta Keentay

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Amaro Cusub Oo Amniga La Xidhiidha Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Amaro Cusub Oo Amniga La Xidhiidha Iyo Sababta Keentay


Garoowe(HWN):-Maamulka Puntland ee soomaaliya ayaa shaaciyey in la hakiyey socdaalkii loogu kala bixi jiray gobolada kala duwan ee maamulkaasi.


Taliye ku xigeenka ciidanka booliska maamulka Puntland Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay amaro cusub la xidhidha amaanka kuwaas oo ay dawladu ku dhawaaqday.




Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland waxa uu sheegay in dhammaan gobollada Puntland la hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka laga billaabo 31 bishan July, waxaa inta dheer in la mamnuucay hubka iyo gaadiidka la dhigayo goobaha ay bulshadu ku kullanto.


Amarradan ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada deegaannada Puntland maalmaha loo dabaaldeggayo aasaaska Puntland oo hadda laga joogo muddo 21 sanno ah.


" Waxaan wargelinayna bulshada iyo gaadiidlayda in la xiray waddooyinka oo aysan jirin doonin gaadiid u kala socdaallaya gobollada ama soo galaya, laga billaabo 31 bishan." ayuu yiri taliye ku xigeenka Booliska.


"Sidoo kale waxaa la mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalooyinka, iyo in gaadiid la dhigto hareeraha waddooyinka iyo goobaha ay bulshada isugu imaanayaan." ayuu ku daray.


Dhammaaan deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garow la xiriira xuska kowda bisha Agoosto oo ah xilligii la dhisay dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyada oo maamulka uu sheegay sannadkan si wayn in loogu dabaaldeggayo xuska.

Loading...
Loading...