Golaha Wakiillada Somaliland oo ka dooday dib-u-eegista Xeerka Maalgashiga.

0
Sunday August 31, 2025 - 14:43:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland oo ka dooday dib-u-eegista Xeerka Maalgashiga.

    Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka maaliyadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka maaliyadda,



Guddiyo dhowr ah oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha si ay uga falanqeeyaan dib-u-eegista iyo kaabista Xeerka Maalgashiga.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka maaliyadda, Cabdillaahi Xasan Aadan, iyo wasiirka Maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha, Siciid Maxamed Buraale, kuwaas oo sharaxay aragtida iyo talooyinka xukuumadda.

Guddoomiyaha Guddida arrimaha Dibadda, Mudane Maxamed Xasan Siciid, ayaa sheegay in goluhu ka go’an yahay ilaalinta danaha qaranka iyo dejinta sharciyo dhiirrigeliya maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan sidii loo dardar-gelin lahaa wax-ka-beddelka xeerka, iyadoo talooyinka laga soo saaray la soo gudbin doono Golaha si go’aan looga gaaro.
Loading...
Loading...