Bulshada Somaliland Dareen Noocee Ah Ayey Ku Qaabileen In Maayarka Hargeysa Loogu Magac Daro Sariibada Khudaarta?

0
Wednesday March 13, 2019 - 15:51:44 in News by
  • Visits: 3040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada Somaliland Dareen Noocee Ah Ayey Ku Qaabileen In Maayarka Hargeysa Loogu Magac Daro Sariibada Khudaarta?

    Dareenka cadhada leh oo ay dadweynuhu ku soo bandhigeen baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa ka dhashay ka dib markii maayarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dareenka cadhada leh oo ay dadweynuhu ku soo bandhigeen baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa ka dhashay ka dib markii maayarka Hargeysa

 

Hargeysa(HWN):-Bulshada somaliland ayaa dareen cadho leh ku qaabilay sariibad laga hirgeliyey magaalada Hargeysa oo loogu magac daray maayar Cabdiraxmaan Soltelco.




Dareenka cadhada leh oo ay  dadweynuhu ku soo bandhigeen baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa ka dhashay ka dib markii maayarka Hargeysa oo lagu eedeeyo waxqabad la,aan iyo dayac uu baday caasimada hadana loogu magac daray sariibada khudaarta oo dhawaan la dhamaystiray dayactir iyo dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyey.


Sidoo kale dadweynaha ayaa dareen taban ku qaabilay in dawlada hoose ee Hargeysa oo aan wax lacag ah gelin sariibada dhismahaas isla markaana laga maalgaliyey mashruuca JPLG ee dawladaha hoose hadana lagu magacaabay maayar Soltelco.



Sariibadan oo magaceeda loo dhigay "SARIIBADA SOLTELCO” ayaa mid ah laga hirgeliyey degmada laga soo doortay maayarka Hargeysa oo mudadii uu xilka hayey si weyn loogu dhaliilayo dib u dhac uu baday caasimada iyo musuq maasuq la sheego inuu ka jiro dawlada hoose, kaas oo lagu lunsado lacagaha cashuurta ah ee loogu tala galay in bulshada wax loogu qabto.


Dhinaca kale bulshada somaliland ayaa si dhaw ula socota talaabada laga qaado dalwadaha hoose ee dalka oo mudo xiloodkoodu ku eeg yahay bishan March isla markaana aanay jirin mudo kordhin ay u sameeyeen golaha guurtidu.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...