"Madaxwayne Ma-Kitaabkii Ayaad Caare Ula Soo Baxaysaa….Jaamac Shabeel
Hargaysa(HWN)Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa Madaxwaynaha Somaliland Ku Edeeyay inuu isagu diiday inuu wax tanaasul ah ka Sameeyo Tabashadda uu qabo Hogaamiyaha Jabhadda Dulmi Diid ee Kornayl Caare.
Jaamac Shabeel ayaa Sheegay in Ficiladda Maanta Dalka Ka Jiraa ay Tix Raac la leeyihiin Taariikhdii Dhacday 1994kii Markaas oo Masuuliyiin Maanta Dalka Xilal Ka Hayaa Ay Qayb ka Ahaayeen.
"saaxiibkay Cawaan-dada ayaa u gaynaysa Dagaalka oo waxa uu odhanayaa ma care ayaa aniga sidaas I yidhi yeeli maayo,waxaanu leenahay madaxwaynihii umadda ayaad tahay care iyo kuwa kaleba adiga ayaa madaxwayne u ah oo dulqaadka adiga ayaa lagaaga baahan yahay.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Horyaal Tv
Intaas waxa uu ku daray Jaamac Shabeel oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Aabahu Hadii Uu Caruurtiisa La Ficil tamo waa ayaan daro,sawkan xildhibaankii mudada xabsiga ku jira sawniga anigu ku hortaagan madaxwayne ma waxa uu xaalkeenu ahaa kitaab alle dantay mood markaas ma care ayaad ula soo baxaysaa kitaabkii madaxwayne ka daa ayaanu ku leenahay.
Siyaasi Jaamac shabeel ayaa sheegay in taariikhdu is qorayso bulshadda somaliland ay arkaysa qaabka uu madaxwaynahu wax u wado waxaana uu yidhi.
”Reer somaliland waxaan waydiinayaan Tariikhda Maanta Socota iyo taariikhdii dhacday shan iyo laabatan Sano ka hor iyo dhacdooyinka Maanta Socda Maxay Wadagaan Amase Ku Kala Duwan Yihiin,lakiin sadaasha mustaqbalku markad aad sadaaliso tariikhda aynu maanta joogno isna waafajino Maxaa kuu soo baxaya.


0 





