Dawlada Jabuuti Oo Shaacisay Qodobo Ay Heshiis Ku Gaadheen Madaxweyne Geelle Iyo Dhigiisa Faransiiska
Jabuuti(HWN):-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geelle ayaa wadda hadal la yeeshay wefti uu hogaaminayey madaxweynaha
dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo soo
gaadhay wadankaasi.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulanka uu la qaatay weftiga ka socday dalka Faransiiska ee uu hogaaminayey madaxweyne Emmanuel Macron waxa ku wehelinayey wasiirka arimaha dibada, wasiirka tacliinta sare, wasiirka gaashaandhiga, taliyaha guud ee ciidamada qaranka Jabuuti iyo safiirka jabuuti u fadhiya wadanka faransiiska, halka madaxweyne Emmanuel Macron ay wehelinayeen wasiirka arimaha dibada, wasiirka tacliinta sare, xoghaye dawladeedka arimaha deegaanka, taliyaha guud ee ciidanka faransiiska.
Ka dib markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa labada hogaamiye si wada jir ah ula hadleen warbaahinta waxaanay soo bandhigeen qodobada ay ka wada hadleen iyo is afgarad ay gaadheen.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horayn ka hadlay kulanka uu la qaatay madaxweynaha faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaha faransiiska ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada wadan isaga oo xusay inay labada dal wadaagaan taariikh mudo soo taxnayd taas oo uu ka dhaxeeyey xidhiidh hore oo soo jireen ah.
Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron oo
dhankiisa ka hadlay kulanka uu la qaatay hogaamiyaha Jabuuti waxa uu sheegay in muhiimada ay u leedahay
dalka jabuuti ay ka markhaati kacayso sida uu safarkiisa afrika uga bilaabay,
waxaanu xusay inay ka wada hadleen
madaxweynaha Jabuuti iskaashiga labada dal isaga oo tilmaamay in qodobada ugu
muhiimsan ee ay isla garteen ay ka mid yihiin maalgashiga tamarta jabuuti iyo
iskaashi dhinaca gaashaandhiga ah oo ay yeeshaan labada dal.
Wasiirka gaashaandhiga Jabuuti Cali Xasan bahdoon ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyey kulankii dhexmaray labada madaxweyne waxaanu yidhi "Socdaalka uu madaxweynaha Faransiisku ku yimid wadanka Jabuuti waxay muujinaysaa in xidhiidhka labada dal uu yahay mid heersare ah iyada oo safarkani ka mid yahay calaamadaha muujinaya inuu sii xoogaystay xidhiidhka labada dal, qaybta gaashaandhiga oo ahayd mid soo jireen ah oo ay labada dal lahaayeen ayaa laga hadlay sidii wax kale loogu sii biiran lahaa.”
Wasiir Bahdoon ayaa intaas raaciyey "Waxa kale oo laysa gartay in la soo biiriyo xidhiidho dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo tababar jaamacadaha la siinayo ayaa muhiim ah oo lagu soo daray laakiin meeshii halbawlaha u ahayd xidhiidhka faransiiska iyo Jabuuti ee gaashaandhiga ayaa keentay in labada dal hogaamiyeyaashoodu ay shir gaar ah ka yeeshaan.”
Sidoo kale madaxweynaha dalka faransiiska ayaa booqday saldhiga ay ciidanka dalkiisu ku leeyihiin wadanka jabuuti, halkaas oo uu salaam kaga qaatay ciidamada ku sugan.