Wasiirka Waxbarashada oo ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Qaranka JSL

0
Sunday August 17, 2025 - 13:43:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada oo ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Qaranka JSL

    • Fasalada 4-aad ee Dugsiga sare:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

• Fasalada 4-aad ee Dugsiga sare:


 Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada imtixaannada fasalada 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo fasalada 4-aad ee dugsiyada sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.


Imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2024–2025 waxaa galay in ka badan 40 kun oo arday.
• Fasalada 8-aad:

o Guud ahaan imtixaanka waxa galay 24,103 arday (13,550 wiilal iyo 10,553 hablo).
o Ardayda gudubtay waa 23,693, taas oo u dhiganta 98.3%.
o Ardayda aan gudbin waa ku dhowaad 1%.
• Fasalada 4-aad ee Dugsiga sare:
o Waxaa imtixaanka galay 15,978 arday (8,095 wiilal iyo 7,883 hablo).
o Ardayda gudubtay waa 15,647, taas oo u dhiganta 97.9%.
o Ardayda dhacday waa qiyaastii 2%.
Wasiirka ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda ku guuleysatay imtixaanka iyo waalidiintooda, isagoo sidoo kale mahadnaq u jeediyay macallimiintii iyo guddidii shaqada adag ee saxista imtixaanka qabtay.
Loading...
Loading...