Barnamijka Hogaan Iyo Horumar. Q 11aad. ENG Mohamed Aden Hassan

0
Monday July 29, 2019 - 09:26:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnamijka Hogaan Iyo Horumar. Q 11aad. ENG Mohamed Aden Hassan

    Maadama aynu so falanqaynay Hogamiyayaal dadka badalay diin ahaan iyo aduun ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maadama aynu so falanqaynay Hogamiyayaal dadka badalay diin ahaan iyo aduun ahaan
o aynu ku so falanqaynay maqaaladenii hore e aynu so akhrisanay manta waxaynu falenqaynaynaa hogaamiyaha samaynta badan e dalka turkiga mudane Rajib Dayib erdogan e hogamintiisa iyo hawlkarnamidsa laga yaabay wakhtigan casriga ah e aynu noolnahay.

Rajib Dayib Erdogan waa madaxwaynaha Dalka Turkiga ee Hada waxa u soo qabtay ka hor  inta aanu madaxwayne loo dooran xilal muhiim ah o u ka soo qabtay dawladaha turkiga.



Rajib dayib waxa u ahaa yarantiisi wiil fir-fircoon oo fariid ah kaas o lagu yaqanay fur-furnaan iyo caqli badni.


Maanta waa madaxwayne samayn leh kaas o aduunkuba ka yaabanyahay hiigsigiisa iyo Halyaynamadiisa waxa una aad u nacabyahay isreal iyo inta raacsan.


Madaxwayne erdogan waxyabaha lagula yaabo waxaa ka mida in mid neceb iyo mid tagersanba isku si u amanayaan o taa macnahedu yahay In xataa kuwa naceb ay horumarkisa la dhacsanyihiin iyo waxa u qabto.


Waxa u mideyay dal ay ku noolyihiin dad kala diin ahaan kala fog ay ku jiraan dad cilmaniyiina waxa una dhisay turkiga cusub ee horumarsan dhinac walba.


Waxa u dajiyay siyaasad dhaqaale o hor seeday in la helo shaqo abuur badan isla markaana la soo saaro lacag badan si u dalka u horumaro.


Waxa u sido kale dajiyay military strategy taas o keentay in military ahaan lo horumaro dhul iyo cirba maalin dhawayd waad arkaysen in laso dajiyay Gantalada s-400 o iyado waliba laga maarmay diyaradii ay samanytoda qayb turkigu ku laha e lo yaqaan diyaradaha F-35 E marenkanka  taas oo turkiga u horsedaysa in   hawada ku horumaro isla markana iska difaaco weraro fara badan oo hore madaxwaynaha iyo dawlada turkiga lagu so weraray dhinaca hawada.


Waxaa sido kale dalka ka dhigay dal horumarsan oo nolosha dhinac walba ka horumarsan wallow ay jiraan caqabado badan o ku hareresan dawladiisa.


Ugu danbayn MAdaxwayne Erdogan waxa aynu indhaha ku heena masharicdisa hada socota iyo ka dhawaan qorshesan e la hawl galiyay e gaba-gabowaya sanada 2023 o ah masharciic heeer sare ah o aduunyaduba indhaha ku hayso waxayabah aynu ka baran karno erdogan waxaa ka mida xidhidhka wada shaqayned e la leyahay dalalka mid ay isku feker yahiin iyo mid ay ku kala duwanyahiinba taas na waxa laga dhadhansanyaa in aad fekerkaada iyo caqligagaba ku maren karid cid walba o kaso hor jesata isla markana aad kali heli kartid waxa ay sameyen e gacantoda ku jira.

 

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY: Mohammed Adam Hassan

Engineer and Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL:  [email protected]

Tell:         0634394700.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...