" Doorasho 4 Bilood Ku Dhacaysaa Ma Jirtee Yaan La Caayin Caqliga Shacabka !! . Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK."
1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda:
A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha
Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan
B) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta
Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u
soo gaabato
C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka
soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo
sii bilaabo
D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha
iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada
qaybta kaga aadan oo dhan
E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka
waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan
xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay
ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan
yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah.
2-
Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose :
A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta
Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa
doorashadii hore hortaalay..
B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku
sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii
falkiyaan.
C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa
ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo
xileedkoodii dhamaaday.
D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii
saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu
dhamaaday.
3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay
qodobadan hoose :
A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu
dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo
sii kordhinaayey.
B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee
komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo
dhameystiri waayeen.
C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la'aantii ay is fahmi
waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku
lumay.
D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan
qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.
E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka
iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka
Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd
Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood.
Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo
sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah
iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee
sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda
Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay.
Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka
mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay
qeexayaan qodobada
37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada
56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha
qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa,
maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey
Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee
qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah
Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka.
Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee
xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale
xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday "
dhabarka ii xoq- aan kuu xogee" taas oo shacab
weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh
ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. " Bal waa
taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii
gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib
ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii
doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee
5-ta sano ah siiyey.
Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu
qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo
karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee
Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku
rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii
sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa
ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay
5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka
Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan
ina hor fadhiyeen 13 sanadood.
Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee
Shacaboow - Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!!
Allaa Mahada Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...