Golaha Wakiillada Somaliland oo Dood Adag ka yeeshay Wax-ka-beddelka Xeerka Nidaamka Xukuumadda

0
Sunday August 10, 2025 - 13:16:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland oo Dood Adag ka yeeshay Wax-ka-beddelka Xeerka Nidaamka Xukuumadda

    Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad...

Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood adag ka yeeshay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameynayo Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo hay’adaha Madaxa Bannaan, iyadoo mudanayaashu ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda uu xeerkan u leeyahay dowlad-dhiska dalka.

Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa lagu lafa-guray sida xeerkan cusub u mideyn karo xeer hoosaadyada dowladaha hoose ee degmooyinka, iyadoo la xusay in Wasaaradda arrimaha Gudaha ay masuul ka tahay maamulka dowladdaha hoose.


Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa xusay in xeerkan saameyn ku yeelan karo xeerar hore u jiray, sida kan kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, taas oo ay sheegeen in ay u baahan tahay in si qoto dheer loo eego.
Gaba-gabdii, mudanayaal badan ayaa codsaday in xeerkan si degdeg ah loo ansixiyo, maadaama uu muddo dheer horyaallay golaha, islamarkaana uu leeyahay muhiimad qaran oo la taaban karo.
Loading...
Loading...