Waa Lagu Digtaa Ruux Haduu Kuu Daraan Jiraye ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday August 07, 2025 - 18:51:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Lagu Digtaa Ruux Haduu Kuu Daraan Jiraye ( Abdi-Shotaly).

    *N.B Labadda Xaq-Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqay Isku Dilaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*N.B Labadda Xaq-Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqay Isku Dilaan.

Gabay uu lahaa Cabdi Gahayr ( Alle haw naxariisto'e), baa waxa ereya-diisa ka mid ahaa " Cuqubadu Halkii Lagu Galay, Caw Ku Hurudaaye, Caruurtay Ka Laysaa, Ninkii Caano Baas Dhama'e" Akhristaw waa dhab, nin kasta oo wax is biday wax aanu ahayn, oo awood u sheegatay xaq-darro ah dad uu maamul-kiisa hoos joogay, kula kacay dil, xaaqid iyo xasuuq, isku dir, guntiga hanti boob umadeed ku xantoob-saday oo aan wax uu xeerinayaa haba-yaraatee jirin, weliba ku sii fardo-cadaa, ku sameeyey cadaalad xumaan badheedh uu ula kas iyo yaa wax iga qaadi kara mar hadaan anigu imaam ka ahay salaadda siyaasadda ee qudhmiye, ee ayaamo siddii awr qooqay, xumbadda qawlaladda ka tuura, akharistaw ka noocaas u dhqama, waxa ka daba yimaada maal-mihii kibir jebin jirey, kuwaas oo karbaash aanay filayn ku garaaca, waana ta imika haysata wixii la odhan jirey " Qudhmiye" Ee ay wadda walaaqan jireen 2ddii Askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani " hoos ka akhri daliil-kooddii waa tane.


Waxa murti hore ahaa " 2da Xaq-daraadda ku heshiiyaa, xaqay isku dilaane" maanta waxay fiintu dhex miranaysaa labaddii Askari, ee ku wadda socday burburka, baaba'a ummadda S/Land iyo wanjalaa-deedda. Kuwaas oo ah kuwa S/Land ay raaf ka riixi wayday ilaa iyo xataa markay Jabhaddii SNM ay ahayd, iyaka oo Calan-Cas iyo Calan-Cad u kala jebiyey, kuwii cayn-kaas ahaa ee xaaraanta u kala fadhiyey, baa hadeer isku jiq ah, laba garab u kala jabay, oo la rabaa in Geenyo-Shaaximani dabadda laga laado, oo kii uu hoos fadhiyi jirey, uu si wacan uga soo hor jeestay waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye" Muwaadin, Gabay kale waxa ku ahaa " Nabsi-gaad gashaa waa dambuu, kugu gadoodaaye" imika bay fiintu dhex miranaysaa, oo xaalku marayaa " Qudhmiye Anaa Xukuma iyo maahee Kaalay iga qaad". Nin-ba wax is mood, cuqubaddii soo baxday, qudhmiye-na burbur-kiisa iga dheh.

Naxariisi korkiisa ha ahaatee, Waxa Cali Dhuux laga hayaa murtidda cinwaanka sare ku qoran, isaga oo u jeedda Ina Cabdale Xasan " Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaay, wadaadkii wa-kaas sii dabay-shadaye" Ujeedo iyo haatan, waxan uga jeedaa, 2ddii Askari iyo koronko-radddii ummadda iyo beelaha ay u adeegsan jireen, waxay u kala dilaaceen, oo imika baa wakhtigu ka hor yimid, seeftii nabsigu ku janjeedh-satay, gaar loo eryanayaa Geenyo-Shaaximani, oo Gudoomiye magac-u--yaala ku carabawnaa, laakiin Raggii ma adigaa ka hadhay uu run ahaan uga talin jirey. Geenyo-Shaaximani oo is ogaaday goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, baa isna yidhi, " Haddii aan sidan rabay waayey, qudhmiye jar ka sii tuur' isaga oo joojiyey shir uu qudhmiye yeesho" askariggii kale " Raggii ma adigaa ka hadhay" Baa isna dhan-kiisa yidhi " Ma jiro shir dib u dhacyaa, oo anaa kharashka bixinaaya" waxan loo kala baxay, laba Garab oo aan is marayn, ee waxa aynu sugnaa-ba waa " Qudhmiye Oo Maray Dariiqii Ucid Iyo Udub" ee akhristaw ila dhawr.

*N.B Labadda Xaq-Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqay Isku Dilaan.
Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...