Wada-jir iyo Wax-qabad: Wasiir Yuusuf Tadhase: Taageeradda Dhabta ah ee Dhalinyarada
Dhacdadan sidoo kale waxay kor u qaaday niyadda dhallinyarada
Dalxiiska ciyaareed ee kooxda Golis FC oo ah koox ka dhisan gobolka Badhan oo booqasho ku joogta caasimadda Hargeysa, kayaa noqday tusaale la taaban karo oo muujinaya sida Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ugu heelan tahay hirgelinta siyaasadda ku saleysan midnimo qaran, is-dhexgal bulsho, iyo horumar waara oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaradu. Safarkan oo uu dhiirrigeliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), waxa uu iftiiminayaa jiho cusub oo hogaamineed oo xambaarsan hal-ku-dhigga xukuumadda ee ah Wada-jir iyo Waxqabad.
Kooxda Golis FC oo laga soo ka soo ambo-baxdsay magaalada Badhan, ayaa booqasho ciyaareed ku timid caasimadda Hargeysa. Laakiin booqashadaasi waxay ahayd wax ka badan ciyaar garoon lagu ciyaaro, waxay ahayd fursad lagu dhisayo is-aaminaad qaran, isla markaana kor loogu qaadayo isku-xidhka gobollada, laguna xoojinayo doorka ciyaaraha ee dhismaha bulshada. Socdaalkii dalxiiska ahaa ee ay kooxdu ku tagtay jidka isku xidha Balligubadle Hargeysa iyo meelaha kale ee gobolka Maroodi-jeex waxa uu si gaar ah u muujiyey in ciyaaraha loo adeegsan karo sidii marin lagu gaadho wacyigelin bulsho iyo barasho is-dhaafsi dhaqan.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay dhacdadan u adeegsatay sidii aalad siyaasadeed oo ay ku muujinayso go’aankeeda cad ee ah in dhallinyarada laga taageero dhammaan gobollada dalka, meel kasta oo ay joogaan. Tani waxay ka tarjumaysaa in siyaasadda cusub ee xukuumaddu tahay mid ka jawaabaysa baahiyaha dhabta ah ee dalka oo dhan, kana duulaysa aragtida in horumarka Somaliland aanu noqon karin mid goobo gaar ah ku kooban, balse uu yahay mid guud oo waxtar u leh dhamaan shacabka.
Dhacdadan sidoo kale waxay kor u qaaday niyadda dhallinyarada kasoo jeeda gobollada fog. Waxa ay siineysaa fariin farxad leh, mid dhiirrigelinaysa, kuna saabsan in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarka qaranimada Somaliland, loona baahan yahay in la siiyo garab muuqda, garowsi rasmi ah, iyo fursado wax-ku-ool ah.
Waa xasuus mudan in ciyaaruhu aanay ahayn oo keliya tartan ama madadaalo, balse ay yihiin aalad wax-ku-ool ah oo lagu gaadho nabad, laguna beero kalsooni, sidoo kalena lagaga hortago khataraha sida tahriibka iyo qabyaaladda. Xukuumadda Cirro waxay u muuqataa mid og muhiimaddaas, isla markaana tallaabooyin muuqda ka qaaday hirgelinta mabaadi’daas.
Ugu dambayn, safarka kooxda Golis FC ee Hargeysa wuxuu noqonayaa halbeeg cusub oo lagu cabbiri karo siyaasadda ciyaaraha iyo dhallinyarada Somaliland, taas oo ah mid ku saleysan wada-jir dhab ah, isku-xidh qaran, iyo horumar waara. Waa dhabbaha ay ummaduhu ku gaadhaan midnimo, kalsooni, iyo mustaqbal barwaaqo ah.
Loading...
Loading...