Dhismaha Jidadka iyo Dedaalada Horumarineed ee Xukuumada
Waddada u dhaxaysa Hargeysa iyo Baligubadle, oo dhererkeedu
Horumarka waddan kasta oo dunida ahi wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay tayada, jiritaanka iyo casriyaynta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka isku xidhaya magaalooyinka, degmooyinka, iyo deegaannada kala fog ee uu dalku ka kooban yahay. Waxaana wax lagu farxo ah in Somaliland ay maanta mareyso marxalad cusub oo ay si dhab ah uga muuqato hirgelinta ballanqaadyadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee la xidhiidhay dhismaha jidadka qaranka.
Warbixinta uu bixiyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ah mid si mug leh u muujinaysa isbeddel muuqda oo ku dhisan qorshe istaariijiyadeed iyo fulin dhab ah oo ka turjumaysa dedaalka xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dalka.
Waddada u dhaxaysa Hargeysa iyo Baligubadle, oo dhererkeedu yahay 58 km, waxa la sheegay in hadda si toos ah looga shaqeynayo 47 km, halka 10 km oo hore loo dhisnay aan lagu darin qorshaha cusub. Waxaa sidoo kale la xusay in 20 km laga dhigay carro-tuul si ay shaqadu u socoto si hufan oo degdeg ah. Waxa intaa dheer, Maareeyuhu wuxuu si xaqiiqooyin ku saleysan u caddeeyay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland lagu guulaystay dhismo waddo ballanqaadkeedii la sameeyay, la dhagax dhigay, laguna dhammeeyay muddo 100 maalmood gudahood ah, iyada oo Daamburkiina lagu dhameeyay.
Tani waa wax aan sahlaneyn, waana mid mudan in la xuso, la taageero, lana dhiirrigeliyo. Waxa ay ina tusaysaa in xukuumadda Somaliland leedahay karti, qorshe, iyo awood fulineed, isla markaana uu jiro hoggaan daacad ah iyo hay’ado hawl-karnimo leh.
Waddooyinka kale ee muhiimka ah sida jidka u dhexeeya Borama iyo Baki ayaa isna ka mid ah mashaariicda hadda gacanta lagu hayo. Jidkaasi wuxuu laf-dhabar u yahay isku socodka gobolka Awdal, isla markaana ah marin muhiim ah oo kobcinaya ganacsiga, dhaqaalaha, iyo isku-xidhnaanta bulshada.
Baahida loo qabo horumarinta jidadka dalka ma aha mid laga iska indho-tiri karo. Waa tiir-dhexaadka isu socodka bulshada, kor u qaadka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo gaadiidka badeecadaha. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in la joogteeyo hawlaha socda, lana kobciyo miisaaniyadda iyo taageerada farsamo ee la siinayo hay’adaha qaabilsan dhismaha waddooyinka.
Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro waxay dhaxashay ballanqaad culus iyo filashooyin sare. Haddana waxa muuqata in maalmo yar gudahood ba uu socdo fulin lagu diirsan karo. Ma aha hadal keliya, ee waa ficil, waxaana taas marag u ah tifaftirka Maareeyaha Waddooyinka iyo shaqada ka socota magaalooyinka waaweyn iyo gobollada.
Loading...
Loading...