Tirada Ciidamada Ka Socda Dalka Burundi Oo Ka Baxaya Hawl Galka Amisom Oo La Shaaciyey

0
Sunday February 03, 2019 - 18:51:01 in News by Super Admin
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Ciidamada Ka Socda Dalka Burundi Oo Ka Baxaya Hawl Galka Amisom Oo La Shaaciyey

    Muqdisho (HWN):- Ciidamada Midawga Afrika ee ka hawl gala dalka soomaaliya ee Amisom ayaa sanadkan la qorsheeyey in la dhimo, iyada oo qaybtii ugu horaysay oo ka socotay dalka Burundi ay dabayaaqada bishan ka baxayaan dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (HWN):- Ciidamada Midawga Afrika ee ka hawl gala dalka soomaaliya ee Amisom ayaa sanadkan la qorsheeyey in la dhimo, iyada oo qaybtii ugu horaysay oo ka socotay dalka Burundi ay dabayaaqada bishan ka baxayaan dalka.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay in ciidamada midawga Afrika ee Amisom ay ka wada baxaan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay madaxa hawl galka ciidamada Amisom ee soomaaliya Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsan Amisom ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga fiirsado go’aanka ay ciidamada midawga Afrika kaga baxayaan dalka soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in talaabada ciidamada Burundi lagaga saarayo deegaano ka mid ah maamulkiisa ay keeni karto nabad galyo daro ka dhacda goobaha ay baneeyaan.


Madaxweyne Waare oo ka hadlaya kulanka uu la qaatay saraakiisha Amisom kana hadlaya muhiimada ay u leeyihiin ciidamada midawga Afrika ayaa waxa uu yidhi "Marka hore waan idinka mahad celinayaa kulankan aynu maanta yeelanay si aan uga doodno qorshahan kala guurka ah, waxaanay aniga ila tahay in qorshihii kala guurku uu ugu dambayn dhaboobay  laakiin ay jiraan go’aano xanuun badan oo u baahan in laga fiirsado, waxaana wali dhiamn hawlo badan oo ay tahay in la qabto inta aanay bixin ciidamada Amisom, waxaanan balanqaadayaa in maamulkaygu uu samayn doono wax kasta oo awoodiisa ah taas oo ku saabsan qorshaha kala guurka isla markaana aan la waayin guulihii hore loo gaadhay.”

Ciidamada ka socda wadanka Burundi ee ka tirsan hawl galka Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyey in 28-ka bishan Feberuary ay ka baxaan dalka soomaaliya, kuwaas oo dib loo celinayo tiro gaadhaysa 1000 askari.
Loading...
Loading...