"Yaa tanaasulay ''..W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Sunday July 28, 2019 - 15:55:33 in Articles by
  • Visits: 2107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Yaa tanaasulay ''..W/Q Axmed Nuur Guruje

    "Yaa tanaasulay ''..W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Yaa tanaasulay ''..W/Q Axmed Nuur Guruje


Qodobka 1 aad ee Heshiiska xisbiyaddu wada galeen wuxuu sheegayaa in sadexda xisbi ku heshiiyeen wax ka badalka xeerka doorashadda golaha deegaanka iyo madaxtooyadda , isla markaana xubnihii komishanka doorashooyinka tiradoodii lagga dhigay 9 xubnood .

Image may contain: 1 person, smiling



Qodobka 3 aad ee Heshiiskani isna wuxuu sheegayaa , in sadexda Xisbi si isku midda ugu soo jeediyeen golaha wakiiladda in uu go'aan ka gaadho , wax ka badalka qodobka koowaad . kaasoo ah qodobka sheegayawax ka badalka tiradda komishanka .

Qodobka 5 aad ee Heshiiskani isna wuxuu sheegayaa in heshiiskan loo gudbinayo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan , hadii ay ansixin waayaana laggu galayo doorashadda komishanka oo ah sidii horre ee ahayd todobada xubnood .

Nuxurka Faaladda .

Sidda ku xusan qodobka 3 aad ee heshiiskan , xisbiyaddu waxay isku raaceen in ay si wada jira baarlamaanka uga codsadeen in ay go aan ka gaadhaan ansixinta heshiiskan .

Qodobkaasi wuxu ku haboonaan lahaa in loo dhiggo in axsaabtu isku raaceen in ay golaha Baarlamaanka si wada jirra uga codsadaan in ay ansixiyaan heshiiskan , hassa yeeshee waxa imika loo dhigay in la isku raacay go aan keliya.

Qodobka 5 aad .

Isna wuxuu u dhigan yahay in laggu heshiiyay in Baarlamaanka loo gudbiyo si uu u ansixiyo , hadii uu diidana laggu galo sidii horre .

Qodobkaasi isna wuxuu ku haboonaa in loo dhiggo , in laggu heshiyey in loo gudbiyo baarlamaanka si ay u ansixyaan .

maxaa yeelay heshiisyadda wuxuun baa laggu qoraa wixii laggu heshiyey oo keliiya , lkn waxaa muuqata in qodobkan si farsamaysan loogu dhigay jabayn , ama laba dhinac ,taasoo nuxurkeedu yahay in heshiiskan laggu heshiyay doorasho ee aan laggu heshiin xubno , maxaa yeelay waxaa la cadeeyey in si kasta oo komishanka arrintiisu u dhacdo doorashada la galayo .

Maxaa la isku hayay .

Waxaa la isku hayay 2 qodob oo kala ah ,

1- kala dirista komishanka doorashadda ,

2- Kordhinta tiradda komishanka .

Maxaa laggu heshiiyay imika .

Sidda ku xusan qodobka 8 aad ee heshiiskan waxaa laggu heshiiyay in Komishanka imika jooga ay sii qabtaan diyaarinta diiwaangelinta , taasoo macnaheedu yahay in ay dhamaysanayaan waqtigooda inta ka hadhay .

Qodobkii labaad ee muranka isna waxaa lagaga heshiiyay sida ku xusan qodobka 5 aad in hadii baarlamaanku diido heshiiskan in doorashadda laggu galo sideedii horre .

Sidaa markay tahay , waxaa is waydiinle , yaa tanaasulay , yaan tanaasulin ,ee weli halkiisii horre taagan .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...