Xildhibaan Shaadh oo Xukuumadda ugu baaqay in Gurmad Deg deg ah loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen

0
Sunday July 20, 2025 - 16:47:51 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Shaadh oo Xukuumadda ugu baaqay in Gurmad Deg deg ah loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen

    Sidoo kale Xildhibaan Shaadh, waxa uu madaxda guddida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Xildhibaan Shaadh, waxa uu madaxda guddida


Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh), oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo xukuumadda JSL, ugu baaqay inay gurmad u fidiyaan dadka abaaruhu naafeen ee gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil.


Sidoo kale Xildhibaan Shaadh, waxa uu madaxda guddida kaydka raashinka Qaranka JSL, ka codsaday in raashinka ay ku hayaan bakhaarada ay u diraan dadka abaaruhu halakeeyeen, waxa uu intaas ku daray in xaalada abaartu ay meel adag mareyso

Xildhibaanku waxa uu fariin u direy, ganacsatada, bulshada iyo cidkasta oo gacan ka geysan karta xaalada abaareed ee taabatey bulshada xoola dhaqato reer miyiga.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in bulshada abaaruhu hayaan xaaladoodu aad u adag tahay, isla markaana ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, balse aanay u baahayn hadal.
Loading...
Loading...