sidee ayay qoristu kaaga dhigi kartaa qof maskax badan?
Maalin kasta waxaan hubiyaa in qoraalka ku soo saaro wax qiimo
"Barashada qoristu waa barashada fikirka.
Waxba si cad uma taqaannid haddii waxaad baratay aannad qoraal kumuujin karin" - S. I. Hayakawa.
Qorayaasha marka aad qoraalkooda akhrido, ma u malaysay inay dadka kale ka maskax badan yihiin?
Dadka qaar ayaa aaminsan in waxqoristu ayna si toos ah caqlibadnaanta xidhiidh ula lahayn, oo qof kasta sida wax loo qoro yaqaannaa uu noqon karo mid garaad badan, balse qofka xirfad iyo ciwaayad ka dhigta qorista uu noqon karo mid maskax badan!
Shiki kuma jiro in qalinku yahay irridda ogaalka iyo garashada. Isaga la'aantiina aynu ka dhaxli karno fikir la'aan iyo maskax mugdiya. Haddaba, haddii aad rabto inaad ogaatid sida uu qoraalka kaaga dhigi karo mid maskax badan, waa kan ee bal shifo ku afsaar:
Qodobka 1 aad: Qorista
Maalin kasta waxaan hubiyaa in qoraalka ku soo saaro wax qiimo leh . Tanina waxa ay iga dhigtaa inaan dareemo in gacanta ku hayo noloshayda. Sidoo kale aan ahay mid dunidda wax kusoo kordhinaaya, halkii aan ka noqon lahaa mid maankiisa quudiya oo kaliya. Taas ka sokow, aan ku idhaahdo: qoraalku waa hiwaayad cajiib ah oo la qabatimo.
Marka aad tahay qof qalinmaal ah, si aad wax tayo leh u qorto, wax baa aad akhridaa, taasina waxa ay kaa caawisaa inaad akhrido qoraallada ay qoreen dad kaa maskax badani, adna sidaas garaaadkaagu ku kobco.
Inta badan marka aad wax qoreyso waxaad ka fikirtaa fikraddo cusub, kaddib ayaa aad qortaa. Badi go'aannada maskaxeed ee aan gaadhay, marka aan fikradahaygii qortay, taasi oo dhalisay iftiin cusub iyo aragti qotodheer.
Waxaad gashaa xaalad aad ku mashquulayso qoraalka , markaas ayay ereyadu si dhakhso kuugu soo dhacaan. Maskaxdaaduna waxay bilawdaa inay isku xidhiidhiso waxyaabaha la tacaluuqa.
Qoraalku waa jimicsi maskaxeed. Sida jimicsigu u koriyo jidhka, ayaa uu qoraalkuna waxaa uu kor u qaadaa garaadka, fekerka iyo fahanka nolosha.
Haddii si joogto ah wax u qorto , waxaad arkaysaa isbaddal togan oo ku yimaadda maskaxdaada. Sidaas awgeed la saaxiib qalinka.
"Qalikaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kalfuran weeyi
Sunto faro ku hayntiisa"
Hadraawi ( AHUN )
Qodobka 2 aad: Xasuusqorka
Marka aad maalin kasta qorto fikradahaaga, waxaad qortaa waxa shaqeeyay iyo waxa aan shaqayn. Tani waxa ay kuu suurtagalisaa, inaad sii waddid waxa maalintaa kuu shaqeeyay, sidoo kale waxaad ka fikirtaa hababka ayna u shaqayn karin.
Inta badan waynu iska ilownaa waxyaabaha maanka kusoo dhaca. Waxa aynu haynaa qorshayaal iyo fikrado cajiib ah oo maskaxdeenna ka buuxa, oo aynu ku hagaajinayno nolosheena , balse marnaba ma hirgelinno. Maxaa yeelay, xitaa waxaa aynu ilownaa in aynu haysanayo fikradahaas!
Ma kugu dhacday in adiga oo qubaysanaaya inaad ka fikirto nolosha, oo ma kugu soo dhacday fikrad cusub, kaddibna markaad qubeyska ka baxdo , si lama fillaan ah u illowday wixii aad ka fikireysay?
Bilow inaad xasuusqor ka samayso fikradahaaga. Ilaasho fikraddahan quruxda badan , weliba meel kuu dhow ku keydso, hirgeli oo adeegso.
Waxaa jira waxyaabo badan oo aad rabto inaad baddasho . Had iyo goor waxaa dhaca waxyaabo wanaagsan iyo kuwa xun, laakiin ilaa aan ka warhelno waxa ay yihiin, ma baddali karno! Sida dhabta ah ee looga warheli karaana waa inaan qormo.
Xasuusqorku wuxuu soo banshigayaa isbaddalkaaga. Waa muraayad ku tusaysa kobocaaga oo marka aad dib u akhridid xasuusqorkaaga, waxaad arkaysaa:
1. Sida aad wax u fahmi jirtay ama u fikiri jirtay.
2. Halka aad ka timid.
3. Sida aad hadda uga duwan tahay.
Geesta kale, xasuusqorku wuxuu dhisaa maskaxdaada oo wuxuu ku tababbaraa inay xasuusteedu foojignaato.
Xasuusqorku wuxuu dhisaa hala-abuurkaaga. Wuxuu furaa maskaxda, maxaa yeelay, maalin kasta marka aad xasuusqor samayso, si fudud ayaa maskaxdaada ugu soo dhacayaan fikrado cusub.
Ugu dambeyntii, noqo qof wax qora oo noqo qof akhriya waxaa qalinmaalka kale qorey; waxaad noqoni mid garasho badan.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...