Sugidda Xirfadda iyo Aqoonta Mihnadda Caafimaad Waa Badbaadada Qaranka!!"
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxay qaaday talaabo siyaasadeed oo ku dhisan mas’uuliyad, taas oo sal u ah badbaadada caafimaadka shacabka iyo hagaajinta nidaamka adeeg bixinta caafimaad ee dalka. Tallaabadan ayaa diiradda saartay hawlgallo rasmi ah oo lagu kala shaandhaynayo mihnadlayaasha caafimaadka, si loo hubiyo in xirfadlayaasha ka shaqeeya goobaha caafimaad ee dalku ay haystaan aqoontii, xirfaddii, iyo rukhsaddihii lagama maarmaanka u ahayd inay bulshada u adeegaan.
Somaliland waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo ku salaysan dib-u-habayn qaran, taas oo lagu sameynayo hay’adaha adeeg bixinta bulshada. Waxaa si gaar ah xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) diiradda u saartay dib-u-eegista iyo tayaynta adeegyada caafimaadka, taas oo lagu horumarinayo badbaadada, hufnaanta, iyo kalsoonida muwaadiniinta ee nidaamka daryeelka caafimaad ee dalka.
Warbixin uu Isniintii jeediya Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Cabdi Daahir Cilmi Bulaale ayaa iftiimisay halis dhab ah oo la xidhiidha badbaadada nolosha dadka reer Somaliland. Waxa uu si cad u sheegay in ay horyaallaan 50 kiis oo cabashooyin ah oo ku saabsan hawlgalka dhakhaatiir aan buuxin shuruudaha sharciga ah, halka 5 ka mid ah kiisaskaas ay yihiin kuwo culus oo ka dhacay xarumaha caafimaad ee takhasuska ah ee inta badan la isku halleeyo.
Sida laga dhadhansan karo hadalka Guddoomiyaha, qaar ka mid ah kiisaska la xidhiidha xirfadlayaasha caafimaadka ee aan haysan ruqsad sax ah, waxa lagu xaliyay hab-dhaqan. Taasina waxay dhalinaysaa su’aalo culus oo u baahan in si qaran loo wajaho: su’aalahaas oo la xidhiidha qiimaha nolosha qof muwaadin ah oo la waayey, xidhiidh noocee ah ayaa ka dhaxayn kara nidaamka dhaqan iyo kiis ku salaysan xil-gudasho la’aanta xirfadle caafimaad iyo kaalinta dhaqanku ku yeelan karo hannaanka caddaaladeed ee ka garniqista kiisaska caafimaadka, sharciga iyo xuquuqda qof bukaan ah.
Dhab ahaantii, arrimaha noocan ahi maaha arrin dhaqameed, ee waa arrin qaran, sharciyeed, iyo mid la xidhiidha badbaadada nafaha muwaadiniinta. Waa arrin u baahan hannaan dawladeed oo hufan oo lagu xaqiijinayo in la helo caddaalad waafaqsan xeerarka dalka, in ay jirto isla xisaabtan dhab ah oo lagu qaban karo cid kasta oo ku xadgudubta hawsha caafimaadka iyo in qoysaska dhibbaneyaashu ay helaan magdhaw, garowsho iyo badbaado mustaqbal.
Waa arrin aad u khatar badan in la oggolaado in shaqsi aan heysan aqoonta iyo ruqsadda dhabta ah ee dhakhtarnimo uu si toos ah uga hawlgalo xarun caafimaad, khaasatan mid leh takhasusaad gaar ah sida qalliinka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, ama daawaynta cudurrada halista ah. Tani ma aha kaliya khalad sharciyeed, balse waa arrin khatar weyn ku ah nafta iyo maalka bulshada.
Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland ayaa si geesinimo leh u sheegay in la gaadhay heer aan la iska indho-tiri karin xaaladda mihnadlayaasha aan aqoonta iyo sharciga buuxin, islamarkaana kiisaska culus loo gudbin doono Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha dalka. Waa tallaabo mas’uuliyadeed oo lagu bogaadin karo, kana turjumaysa damiirka qaranka iyo danaynta bulsho ee xukuumadda waxqabad iyo wadajir.
Go’aanka uu shaaciyey Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland wuxuu xambaarsan yahay fariin togan oo si buuxda salka ugu haysa damiirka qaran. Waa go’aan ka turjumaya mas’uuliyad dhab ah, daacadnimo dawladeed iyo garasho qoto dheer oo ku saabsan khatarta ka dhalan karta in shaqsiyaad aan u qalmin ay si aan sharci ahayn uga hawlgalaan goobaha caafimaadka ee dalka.
Go’aankan ayaa u muuqda bar-bilawga dhabta ah ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ee la xidhiidha tayaynta iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada Somaliland, iyada oo diirrada la saarayo dib u habeyn dhammaystiran oo lagu sugo: Sumcadda mihnadda caafimaadka qaranka JSL, Badbaadada iyo nolosha muwaadiniinta iyo daacadnimada hay’adaha mas’uulka ka ah ilaalinta tayada xirfadlayaasha caafimaad.
Haddii si dhab ah loo taageero, loona dabaqo si waafaqsan xeerarka dalka iyo mas’uuliyadda hay’adaha garsoorka, go’aanka Guddoomiyuhu wuxuu noqon karaa mid dhidibada loogu aasayo nidaam cusub oo lagula xisaabtamo mihnadlayaasha caafimaadka, laguna xoojinayo kalsoonida shacabka ee adeega caafimaadka.
Sidaas darteed, go’aankaasi ma aha oo keliya mid la bogaadiyo, balse waa mid ku salaysan bar-bilawga dariiqii dib-u-dhiska nidaamka caafimaadka Somaliland, si naf kasta oo muwaadin ahi ay ugu kalsoonaato in ay ku jirto gacmo aamin ah oo leh aqoon, ruqsad, iyo masuuliyad.
Adeegga caafimaadku wuxuu kamid yahay aasaaska dowladnimada casriga ah. Wuxuu si toos ah u taabanayaa nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta. Sidaa darteed, in mihnadlaha caafimaad ee dalka ka hawlgalayaa uu haysto aqoon iyo rukhsad sax ah, waa arrin aan laga gorgortami karin.
Tani waa waddada saxda ah ee lagu gaadhi karo adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo. Waa dib-u-habayn la jaanqaadaysa himilada Somaliland ee ah in la helo nidaam caafimaad oo waafaqsan heerarka caalamiga ah. Waxaa xusid mudan in tallaabadan ka sokow ay xukuumaddu waddo qorshayaal kale oo lagu horumarinayo tayada iyo tababarada caafimaadka ee dalka, taasoo diiradda saaraysa: Kobcinta aqoonta xirfadlayaasha JSL, Tayaynta xarumaha waxbarashada caafimaad iyo Xoojinta nidaamka dabagalka iyo kormeerka goobaha caafimaadka.
Kala shaandhaynta mihnadlayaasha caafimaad waa tallaabo aan laga baaqsan karin haddii la doonayo in la sugo nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta. Waa hawlgal muujinaya in xukuumaddu diyaar u tahay inay iska saarto masuuliyadda dhabta ah ee ay leedahay, isla markaana ay dhisto nidaam caafimaad oo hufan, sharciyaysan, oo qof kasta oo adeeg caafimaad u baahani uu kalsooni ku qabo.
Xukuumadda Madaxweyne Cirro waxay ku socotaa jid ka turjumaya halku dhigga ah waxqabad, wadajir iyo daryeel bulsho. Hawlgalkan caafimaad waxa uu tusaale u yahay sida ay xukuumaddu u abbaarayso arrimaha nolosha aasaasiga ah ee shacabka, si loo xaqiijiyo bulshada Somaliland oo caafimaad qabta, isla markaana hesha adeegyo sharci oo ay ku dheehan tahay aqoon iyo hufnaan.