"Xirfadleyaasha Caafimaad ee Ajaanibta ahi ka wey nagu yar yihiin." Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

0
Tuesday July 15, 2025 - 11:25:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xirfadleyaasha Caafimaad ee Ajaanibta ahi ka wey nagu yar yihiin." Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

    Waxanu yidhi "Annaga cisbbitaalka guud dhibaatada ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxanu yidhi "Annaga cisbbitaalka guud dhibaatada ,,,


Agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi, ayaa sheegay in cisbitaalka guud ee Hargeysa, ay joogay shaqaale aad u tiro badan, taasi bedal keedana ay ay joogaan shaqaale ka badan intii loo baahnaa ama ay ahayd in ay ka shaqeeyaan Cisbitaalka.


Agaasimaha ayaa guddida mihnadlayaasha caafimaadka ka codasay inay kala shaqeeyaan sidii loo kal saari lahaa loona ogaan lahaa heer kooda aqooneed, waxanu tilmaamay inay jiraan shaqaale kala aqoon badan hadana qabta shaqo isku mid ah kuwaasi oo ka soo baxay goobo waxbarasho caafimaad oo kala duwan.
Agaasimaha cisbitaalka guud waxa uu intaasi ku daray in cisbitaalka guud ay ku yar yihiin Xirfadlaayasha caafimaadka ee Ajaanibka ah.

Waxanu yidhi "Annaga cisbbitaalka guud dhibaatada khaaska noo haystaa waa shaqaalaha oo aad u tiro badan.

Runtii qaarkood mahaystaan liisan oo ka soo baxay iskuulo kala duduwan,qaar kod waxay kasoo baxeen dibadaha badan koodu waxay ka soo baxaeen gudaha waxana ay ka soo baxeen iskuulu kala duwan oo aan isku Darajo ahayn oo ay kala hooseeyaan, marka cisbitaalka la yimaadana isku shaqo ay qabanayaan.
Waxan komishanka ka codsanaynaa inaad nala saxdaan liisamadooda, si qofkii liisan kiisu buuxo uu uga sii shaqeeyo cisbitaalka, qofkii wax ka dhiman yihiina la yidhaah dib ugu noqo iskuulkii halkan kama shaqyn kartideā€.
Loading...
Loading...