Sharci ahaan, ma jiro shirwayne Xisbi oo ka horreyn kara sanadka 2027:-

0
Saturday July 12, 2025 - 15:24:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharci ahaan, ma jiro shirwayne Xisbi oo ka horreyn kara sanadka 2027:-

    Haddaba, halkee baynu u soconnaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba, halkee baynu u soconnaa?

"Shirwaynayaasha 3-da Xisbi ee Cusub waxay Dhacayaan 12/12–2027, Sida ku Cad Xeer Lr. 14

Ugu horrayn, waxaan doonayaa in aan bayaamiyo, raad-raacna ku sameeyo Shirwaynayaasha Xisbiyada.

Marka aynu taariikhda dib u milicsanno, saddexdii xisbi ee hore waxay soo baxeen 12/12/2012-kii, waxayna heleen liisan 10 sano ah. Mudadaasi waxay kaga dhammaanaysay 22/12/2022, waxaana xeerku sheegayaa in lix bilood ka hor la furo ururrada, ka hor inta aanay xisbiyadu liisankoodu dhammaan.


Guddida Diiwaangelintuna waxay ku dhawaaqeen in urur walba iyo xisbi walba uu soo gudbiyo:

Golihiisa Dhexe

Guddigiisa Fulinta

Hoggaanka Xisbiga

Waxaa ka qayb galay 7 urur iyo 3 xisbi. Dhammaantood waxay soo gudbiyeen golayaashoodii: golaha dhexe, guddida fulinta iyo hoggaankoodii, iyagoo shirar qabsaday.

Taariikhdu markay ahayd 13/11/2024, waxa dhacday doorashadii xisbiyada iyo ururrada, waxaana 13/12/2024 kasoo baxay 3 xisbi: Waddani, Kaah, iyo Kulmiye.

Haddaba, halkee baynu u soconnaa?

Goorma ayay xisbiyada cusubi qabsanayaan shirwaynahoodii 1-aad, iyadoo lagu eegayo indho sharciyeed?

Muwaadin, xagga sharciga marka loo eego, sida ku cad Xeer Lr. 14, saddexda xisbi ee soo baxay waxay shirarkoodii qabsadeen 2022-kii, kadib markii ay ka dhammaatay 10-kii sano ee uu xeerku siiyay.

Ugu dambayn:

Shirarka ay qabsanayaan saddexda xisbi waxa looga soo bilaabay 2022-kii. Shirwaynahoodii sharciga ahaa wuxuu noqonayaa sanadka 2027, maadaama ay xisbiyadu 2022-kii qabsadeen shirarkoodii caadiga ahaa.

Sharci ahaan, ma jiro shirwayne ka horreyn kara sanadka 2027."

WQ-Xoghayaha guud ee golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...