"Dabkii Buurta Daallo 37 Beerood ayuu Saameeyay iyo Dhawr Guri oo Gubtay"

0
Saturday July 12, 2025 - 12:37:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dabkii Buurta Daallo 37 Beerood ayuu Saameeyay iyo Dhawr Guri oo Gubtay"

    Waxaa kale oo uu Maareeye Dixood sheegay in qasaaraha dabkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa kale oo uu Maareeye Dixood sheegay in qasaaraha dabkaa



Maareeyaha Hay’adda u Diyaar-garawga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, ayaa sheegay in markii Maaxweyne ku xigeenka Somaliland uu gudida degdegga ah u magacaabay masiibada dabkii ka kacay buurta Daallo, ay isla markiiba arrintaas wax ka qabashadeeda degdeg uga hawl galeen, iyaga hawsha markii ugu horraysay ka bilaabay dardar gelinta gurmadka dab- daminta.

Guddida madaxweyne ku xigeenka Somaliland hawshaas u magacaabay ayay ka mid ahaayeen wasaarado iyo Hay’adda u diyaar garawga masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaranka, waxaanu guddoomiye Cabdiraxmaan Dixood sheegay in dabka Buurta ka kacay iyo qasaaraha ka dhashay ay kala duwanaayeen, iyada oo masiibo dab oo xoog wayni in ay buurka ka holacday balse dhanka qasaaraha ALLE inoo sahlay.

Waxaa kale oo uu Maareeye Dixood sheegay in qasaaraha dabkaa ka dhashay uu saameeyay beero ilaa 37 gaadhaya laakiin inta uu waxyeelo wayn gaadhsiiyay ay aad u koobnayd guryaha gubtayna ay ugu badnaan laba ahaayeen waxaa kale dad dhaawacyo fududu ay soo gaadheen iyo qoysas laba habeen baro kacay.

Maareeyaha hay’adda u diyaar-garawga masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) oo waraysi kooban Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan,ayaa isagoo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaalabad deegaanadii Buurta Daalo ee dabku ka kacay = siday uga hawl galeen gurmadka la gaadhssiiyay iyo qorshaha hadda uga yaall ayaa, yidhi. "Markii gudid aanu qaybta ka ahayn la magacaabay hawshu way kala horraysay tallaabadii ugu horraysay ee la qaaday waxay ahayd dar dar gelinta dab daminta iyo sidii looga hor tegi lahaa in qasaare hor leh uu masiibadaa ka dhasho,markii tallaabadaas la qaaday waxaa ku xigtay qiimaynta qasaaraha dabkaa ka dhashay in la ogaado dabku siduu u holcay ee uu bu baaxad waynaa iyo qasaaraha ka dhashayna way kala sahlanaayeen oo illaa 37 beerood ayuu wax yeeleeyay laakiin tiro kooban ayaa si wayn wax u noqotay guryaha ku gubtayna waa illaa laba Guri waxaa kale oo jira dad laba habeen baro kac ahaa.”

Maareeye Cabdiraxmaan Dixood oo hadalkiisa sii wata ayaa, intaa raaciyay markii hawshu halkaa maraysay waxaa noo yimi guddi dadka deegaanka masiibadu ka dhacday ah oo nala kulmay waxaanay naga codsadeen laba qodob, oo aanu anaguna markaa u aragnay in ay muhiim yihiin laba daas qodob oo kala ahaa in la sameeyo shaqaale deegaanka ah oo Buurta ilaaliya in laga qorto deegaanka iyo in wadada Buurta daalo ka tagta la sameeyo oo wax laga qabto.”

Maareeyaha oo la waydiiyay in ay jiraan wax gargaar ama taakulo ah oo ay dadkii masiibada dabku ku dhacday ay gaadhsiiyeen, ayaa ku jawaabay. "Markiiba gudida deegaanku arrin aanu u aragnay in ay macquul tahay ayay soo jeediyeen oo ah imika wasaaruhuna wuu kooban yahay anagana haddaanu nahay gudida deegaanka dabku saameeyay naga war suga oo wax gurmad ah ha noo keenina si aanay u noqon in mashruuc laga dhigto oo cid qaldani uga faa’iidaysan oo masiibadan dabku aanay u soo noq noqon, midhnaa anaguna waanu la qaadanay oo isku afgaranay in wixii nalooga maarmi waayo in aanu diyaar u nahay kana war sugayno,” ayuu yidhi Maareeyaha hay’adda u diyaar garawga masiibooyinka iyo Kaydka raashinka Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil(Dixood).


Loading...
Loading...