Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ku Baaqay in loo Gurmado Dadka Abaatu ku dhufatay ee gobollada Galbeedka Somlailand

0
Friday July 11, 2025 - 17:57:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ku Baaqay in loo Gurmado Dadka Abaatu ku dhufatay ee gobollada Galbeedka Somlailand

    Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed



Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa ka warbixiyay xaaladda abaareed ee gobollada Awdal iyo Salel, waxaanu sheegay in ay deegaanadaasi ka jirto biyo la’aan xoogan, loona baahan yahay in gurmad deg-degg ah la gaadhsiiyo dadkaasi ay abaartu ku laba jirsatay.


Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa ku baaqay xukuumadda iyo guud ahaan dadwaynaha Somaliland, qof kasta oo wax heli kara in gurmad Qaran lala gaadho dadkaasi oo uu xusay in biyo la’aanta ay u dheer tahay kulaylka xaggaaga oo isna dhib ku haya.

Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa aad u bogaadiyay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama oo uu xusay inay ku hawlan yihiin sidii dadkaasi loogu gurman lahaa, loona gaadhsiin lahaa kaalmo biyo iyo baad isugu jirta, si Xoolaha iyo dadka loo badbaadiyo.
Loading...
Loading...