Dedaallada la Taaban Karo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si joogto ah u muujinaysaa firfircooni iyo dadaal muuqda oo kor loogu qaadayo heerka ciyaaraha iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee guud ahaan dalka. Waxqabadka ballaadhan ee la fuliyay intii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa caddeyn u ah in himilada "Wada-jir iyo Waxqabad” ay tahay mid ka tarjumaysa rajooyinka iyo yididiilada wasaaradda ciyaaraha Somaliland ee dhanka horumarka ciyaaraha.
Qaybaha kala duwan ee waxqabadka wasaaraddu waxa ay taabanayaan arrimo muhiim ah:- sida horumarinta tartamada heerarka kala duwan, kobcinta ka qaybgalka haweenka ee ciyaaraha, daryeelka caafimaadka ciyaartoyda, iyo kormeerka joogtada ah ee garoomada si loo hubiyo tayadooda. Waa hannaan qorshaysan oo muujinaya maamul hufan iyo himilo qaran oo sugan.
Doorka Haweenka ee Ciyaaraha:
Waxaa si gaar ah loola dhacay tallaabada geesinimada leh ee lagu xoojiyay ka qaybgalka hablaha ee ciyaaraha, gaar ahaan tababarka garsoorka. Tani waa mid jabinaysa caqabadaha dhaqanka ee mudada dheer soo jiray kaas oo caqabad ku ahaa in habluhu ay door muuqda ka qaataan garoomada iyo ciyaaraha. In haweenku ay noqdaan garsoorayaal heer qaran ah, waxay u muujinaysaa in lagu tallaabsaday horumar ballaadhan oo dhinaca ciyaaraha ah, waa dhaqdhaqaaq ku salaysan xagga sinnaanta iyo awood-siinta dumarka.
Tartamada Feedhka iyo Leebka:
Tartamada cusub ee Feedhka iyo Leebka waxa ay muujinayaan in Wasaaradda ay ka go’an tahay ballaadhinta fursadaha ciyaareed si looga baxo xadeynta kubadda cagta oo keliya. Tani waxay dhiirrigelinaysaa dhallinyarada ku kala duwan hibada inay helaan fursado ay ku horumariyaan kartidooda.
Horyaalada Heerarka Kala Duwan:
Hirgelinta horyaalada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland laga bilaabo heerka 1aad, heerka 2aad ilaa heerka 3aad waa tallaabo dhiirrigelinaysa tartan furan, kalsooni ciyaartooy, iyo kobcinta xirfado ciyaareed oo waara. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la joogteeyo tartamada xaafadaha iyo degmooyinka, taasoo ka qayb qaadan karta is-dhexgalka bulshada iyo nabadeynta.
Kormeer Joogto ah & Daryeel Caafimaad
Wasaaradda ayaa si dhab ah u wajahday muhiimadda ay leedahay kormeerka joogtada ah ee garoomada sida Hargeysa Stadium iyo garoonka Tima-cadde. Tani waxay xaqiijinaysaa ilaalinta xaaladda garoomada, daryeelka ciyaartoyda iyo kor u qaadista tayada ciyaaraha.
Wada-shaqeynta & Dardar-gelinta Isku xidhnaanta:
Qabashada kulamo qorshaysan oo dhexmaraya madaxda wasaaradda iyo xidhiidhada ciyaaraha waa calaamad muujinaysa hannaan maamul oo waxtar leh. Kulamadaasi waxay abuurayaan hab-raac mideysan oo kor u qaadaya is-fahamka shaqaalaha iyo wax-ku-oolnimada hawlaha shaqo.
Tartamada Haweenka: Aragti Furan & Fursad Abuuris
Tartankii hablaha ee lagu qabtay Xarunta Ubax Inspire, iyo abaalmarinada la bixiyay, waxay caddeeyeen in Wasaaradda ay si dhab ah uga go’antahay dhiirrigelinta ciyaaraha haweenka. Tani waa isbeddel qoto dheer oo ku socda jihada saxda ah.
Gunaanad:
Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ee sannadkan wuxuu tusaale u yahay in horumarka dhabta ahi uu yimaado marka la helo aragti, maamul daahfuran, iyo u adeegid danta guud. Waxaa muuqata in siyaasadda ciyaaraha ee Somaliland ay tahay mid wajahaysa caqabadaha jira, balse leh yididiilo cusub oo ay hogaaminayaan madax firfircoon oo diyaar u ah isbeddelka.
Haddii la joogteeyo dedaalladan, waxa suurtagal ah in Somaliland ay noqon doonto mid tusaale u noqota Geeska Afrika dhanka horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.