MD.Cirro oo u baxaya Addis Ababa iyo Abiy oo damacsan qorshe waali ah
Madaxweyne Cirro ayaa halkaasi kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyaga oo ka wada-hadli doona xiriirka labada dhinac iyo heshiisyada suurtagalka ah ee ay gaari karaan xilligan
Socdaalkan Cirro ee la filayo inuu ku tago Addis Ababa ayaa lagu eegi doonaa waxa laga yeelayo is-fahankii sannadkii hore dhex-maray Hargeysa iyo Addis Ababa, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa sheegay in is-fahankii hore ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya dib loo eegi doono, isagoo ka gaabsaday in Cirro uu Addis Ababa u tegayo si uu u saxiixo heshiiska rasmiga ah.
Tan ayaa imaneysa xilli uu burbur ku yimid heshiiskii Ankara ee u dhexeeyay madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo xal ku meel gaar ah looga gaaray xiisaddii ka dhalatay heshiiska Somaliland. Wada-hadalladii la qorsheeyay inay sii socdaan ayaan qabsoomin, iyadoo la rumeysan yahay in labada dhinac aad u kala fogaadeen.
Wadahadalladu waxay hakadeen kadib markii ay Itoobiya diidday soo jeedintii Soomaaliya ee ku saabsanayd isticmaalka dekedaha, iyadoo dalbatay in si madaxbannaan loogu wareejiyo qeyb ka mid ah dhulka xeebta ah si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed—tallaabadaas oo Muqdisho ay u aragtay xadgudub ka dhan ah madaxbanaanideeda dhuleed.
Waxaa la soo sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu dib u bilaabay wada xaajoodyo qarsoodi ah oo uu la leeyahay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, kuwaas oo ku saabsan heshiis kireysi dhul-badeed oo muran badan dhaliyay. Burburka aan la shaacin ee "geeddi-socodkii Ankara” ayaa si hoose loo qiray intii uu socday Madasha Isku-xirka Gaadiidka Adduunka (Global Transport Connectivity Forum), oo lagu qabtay magaalada Istanbul intii u dhaxaysay 27-ka ilaa
29-ka Juun.
Itoobiya weli waxay ku adkeysaneysaa fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, halka Soomaaliya ay waddo olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhan ah waxa ay u aragto jebinta midnimadeeda qarameed.
Sida ay sheegeen saraakiil xog-ogaal u ah wadahadallada oo codsaday inaan magacooda la sheegin, ma jirin wax kulamo rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac tan iyo markii ay wadahadalladii farsamo burbureen bishii Abriil.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya iyo Masar dhawaan dib u cusbooneysiiyeen xiriirkooda, iyadoo labada dal ay ka mideysan yihiin diidmada in Itoobiya ay gaarto Badda Cas, taasoo laga yaabo inay mar kale mugdi geliso xiriirka u dhexeeya Addis Ababa iyo Muqdisho.