Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.
Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.
Loading...
Loading...